berberatoday.com
Sifaha Xuska 18-ka May Ee Sannadkan, Awaamiirta La Faray Maamullada Gobollada Dalka Iyo Siday Shacabku U Debbaal-degi Karaan
May 17, 2017 - Written by Berbera Today

Hargeysa(Berberatoday.com)-Wasaaradda Arrimaha Gudaha Somaliland iyo Maamulka Gobolka Maroodi-jeex, ayaa faahfaahiyey wax ka beddelka lagu sameeyay Debbaal-degyadii Xuska 18-ka May ee Sannadkan.

Warka 18 May

Wasiir ku-xigeenka Amniga ee Wasaaradda Arrimaha Gudaha Maxamed Muuse Diiriye, Badhasaabka Gobolka Maroodi-jeex Cabdillaahi Jibriil Gaax-nuug (Buraale) iyo Xoghayaha Fulinta Dawladda hoose ee Hargeysa Xasan Cawaale oo si wada jir ah Shir-jaraa’id ugu qabtay Hargeysa, ayaa sheegay in Dadweynaha reer Somaliland u Madax-bannaan yihiin Debbaal-degga Xuska 26 Guurada Madax-bannaanida Somaliland ee 18-ka May, laakiin isbeddelka la sameeyay uu yahay Ciidammadii Gaado ka ciyaarka samayn jiray uun la joojiyey, isla-markaana loo beddelay Dhaqaale Ururin loo samaynayo Dadka Abaaruhu dhibaateeyeen.

Wasiir ku-xigeenka Amniga Wasaaradda Arrimaha gudaha Somaliland Maxamed Muuse Diiriye oo ugu horeyn halkaa ka hadlay ayaa yidhi “Debbaal-degyadii aynu u debbaal-degi jirnay 18-ka May iyo 26-ka June waxaynu Sannadkan u beddelnay inaynu Dadkeena Abaaraysan Daryeello, inaynu ka hor-tagno tan oo kale inay dib inoo dhacdo (Abaarta), oo aynu ku dedaalno sidii aynu Dadkaa ugu samayn lahayn Waxqabad, hadday Dhaamam tahay, hadday Berkado tahay, oo aynu uga hor-tagi lahayn dhibaatooyinka innagu iman kara. Sidaa daraadeed, waxaan leeyahay dhammaan Bulshada reer Somaliland sidii-nii baad ugu debbaal-degaysaan Xuska 18-ka May, Dhir beeristiina Guryihiina hortooda ayaad ku debbaal-degaysaan, Dhoolla-tus, Fantasiye, Walaalnimo iyo Is-bogaadin baad ku debbaal-degaysan.”

Wasiir ku-xigeenku wuxuu farriin u diray Maamullada Gobollada iyo Degmooyinka Dalka “Dhammaan Badhasaabbada Gobollada iyo Maayirrada Dalka waxaanu faraynaa inay Qurxiyaan Magaalooyinka, inay Shaaracyada Magaalooyinka Qurxiyaan, inay Calammada Somaliland oo waaweyn oo dhaadheer ay ku xidhaan Xafiisyadooda iyo Shaaracyada Magaalooyinka Dalka.”ayuu yidhi.

Badhasaabka Gobolka Maroodi-jeex Cabdillaahi Jibriil Gaax-nuug (Buraale), ayaa isaguna sheegay oo yidhi, “Ciddii debbaal-degaysa lama diiddan, laakiin meel kasta oo la iskugu yimaaddo, Guri illaa Guri waxa laga ururinayaa Dhaqaale, sidaas ayay Xukuumaddu Go’aan ku qaadatay, ma kala laha Mucaarad iyo Muxaafid ee waa Hawl-Qaran.”

Ugu dambayn, Xoghayaha fulinta ee Dawladda Hoose ee Hargeysa Cali Xasan Cawaale, ayaa isaguna yidhi “Waxa keliya oo laga reebay Ciidammadii iyo Dadkii Rayidka ahaa ee Waddada mari jiray, waxaana taa loo beddelay Dhaqaale Ururin Dadkeena aynu ugu Tabarucayno.”

 

 

 

Berberatoday.com

COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- ASKAR'S BLOG
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- durdurnews
- Farshaxan
- Gabileynews
- Gabiley24
- GabIleytoday
- Gamuur Trading Company
- Gardo
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- Murtimaal
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- Qodaalnews
- Qtlhost Website
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SalalNews
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- sooyaal
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews