berberatoday.com
Siyaasiga Cabdiqaadir Obsiiye Oo Ka Hadlay Ka Faa’iideysi La’aanta Biyaha Roobka, Xukuumaddana U Soo Jeediyey Inay Ka Waantowdo Musuqmaasuqa
May 17, 2017 - Written by Berbera Today

Hargeysa(Berberatoday.com)-Cabdiqaadir Cali Obsiiye oo ah Siyaasi Madax-bannaan, ayaa Shir-jaraa’id oo uu Shalay ku qabtay Magaalada Hargeysa kaga hadlay Arrimo badan oo ay ka mid yihiin Sicir-bararka Dalka ka taagan, Ka Faa’ideysi la’aanta Biyaha Roobka iyo Musuqmaasuqa. Cabdiqaadir Cali Obsiiye, ayaa Xukuumadda iyo Shacabka Reer Somaliland ku canaantay ka faa’ideysi la’aanta Biyaha Roobabka Xilligan Dalka Da’aya, isagoo soo jeediyey in Shacab iyo Dawlad-ba Gacmaha la isku qabsado sidii Biy-xidheenno loo samayn lahaa, si Biyaha Roobka Mustaqbalka looga faa’iideysto. Mr. Obsiiye oo Arrimahaa ka hadlayaana wuxuu yidhi “Waxaan soo jeedinayaa inaynu ka faa’ideysanno Nimcada Roobka ee ILAAHAY inoo shubay, iyadoo aynu ognahay Baahidii iyo Roob la’aantii ina soo martay, taasi oo intii aan garaadsaday ay Dadku ku jireen. Waxaan Shacabka iyo Xukuumadda u soo jeedinayaa oo aan leeyahay waa inaynu ka korno baahiyaha soo noqnoqanaya iyo Abaaraha, oo aynu wax qabsanno oo aynu Biyahaa Roobabka ee soconaya aynu ka faa’ideysanno, Waayo? Haddii aanay Ummadu wax qabsan Cid wax u qabanaysaa ma jirto. Markaad wax qabsato ayuun baa laguu iman oo lagu wax lagu siin karaa, laakiin Qofkaan waxba qabsanin waxa la odhanayaa uun miyuu meesha dhaafo aad ka faa’ideysataan Fursadda’e.” Cabdiqaadir Cali Obsiiye oo hadalkiisa sii wataa wuxuu sheegay “Shacabka waxaan leeyahay Waar Biyahaa marka Roobku da’o soconaya ee Dadka uun innaga qaadaya, ee waxa ay inoo soo kordhiyaan tahay Toggagaa Dadka iyo Gaadiidka Innaga qaadaya aynu ka faa’iideysanno, Xitaa inaynu Balliyo yaryar ku weecinno Biyaha Roobka miyaa la kari waayay.? Maya ayaan leeyahay lama kari waayin, ee waa Caajis iyo Aqoon la’aan waxa halkaa inna dhigay. Waxaan qabaa haddaynaan xitaa Qalab kaleba u qaadan inaynu Gacmaha ku xidhi karno Biyahaa Roobka haddaynu isku wada nimaadno.”ayuu yidhi, waxaanu intaa ku daray “Gacmaheena ayaynu ku ceel baxaynaa ee Xukuumad iyo Shacabba fadhiga ha laga kaco ayaan leeyahay oo wax ha laga qabto Biyahaa Roobabka ee soconaya.” Siyaasi Cabdiqaadir Cali Obsiiye wuxuu Xukuumadda iyo Axsaabta ugu baaqay inay joojiyaan Qabyaaladda “Waxaan doonayaa inaan halkan kala hadlo Xukuumadda iyo Axsaabta Qaranka, oo aan doonayo inay joojiyaan Aafooyin badan oo aad Dalka ugu sii badanaya, kuwaasi oo ay tahay Qabyaaladdu. Sidaynu ognahay Axsaabtu waxay Maanta ku ololeynayaan waa Qabyaalad iyo Reer Hebelnimo, waanan la yaabay, waanan ka naxaa Marka Rag waaweyn oo Odayaal ah iyo Dhallinyaro Jaamacado ka soo baxay ay yidhaahdaan Reer Hebe-baanu nahay ama Reerkayaga ayaanu u doodaynaa ama Reerkayaga waxaa iyo waxaas Dani uguma jirto. Waar Qabiil laguma noqdo Qaran, intaynu halkaa taaganahayna Tallaabo ma qaadayno, markaa waxaan leeyahay Xukuumadda iyo Axsaabtu ha joojiyaan Qabyaaladda, Waayo? intay Xukuumaddani talada haysay waxaad mooddaa in Qabyaaladdii Shaadhkii la baxday oo iyadoo Qaawan oo Muddug ah ay Dadka dhex socoto, oo Qofkii aan Qabyaaladda aqoonina ay ku dhalinayaan. Intii Xukuumaddani Xukunka haysay Qabyaaladdii way sii shaac-baxday, Xadhkihii bay goosatay, Axsaabtuna sidoo kale, intii ay Axsaabtani joogeen ee ay Qabyaalad wax ku doonayeen Qabyaaladdii Xadka ayay ka sii baxday. Sidaa darteed, Xukuumad, Shacab iyo Axsaabtaba waxaan leeyahay Qabyaaladda meel ha looga soo wada jeedsado, haddii kale intay innagu dhex jirto meel ma gaadhayno.” Ayuu yidhi, waxaanu intaa sii raaciyey oo uu ku baaqay in Xukuumaddu sugto Cadaaladda, “Caddaaladi haddayna jirin Amni ma jirayo, markaa waxaan leeyahay Xukuumaddu dhankeeda Cadaaladda ha xoojiso, oo Dadka ILAAHAY baa kala xisaabtamayee ha u Caddaalad samayso.” Siyaasi Cabdiqaadir waxa kale oo uu Shirkiisa jaraa’id ka hadlay Musuqmaasuqa, waxaanu yidhi “Waxa kale oo aan ka hadlayaa Musuqmasuqa Hantida Ummadda oo Maanta faraha ka baxay, waxaan leeyahay Xukuumadda Waar Adduun iyo Aakhiraba waa la idinla xisaabtamayaaye Hantida Ummadda u badbaadiya oo waxaad u soo celin kartaan u soo celiya, waxa imika hadhayna u dhowra ayaan leeyahay.” Mr. Obsiiye wuxuu sheegay inuu ka naxay hadal uu xusay inuu ka soo yeedhay Wasiirka Maaliyadda, laakiin uu ku farxay hadal ay doraad Warbaahinta mariyeen Wasiirka Maaliyadda iyo Guddoomiyaha Baanka dhexe, “Hadal Maalin dhawayd ka soo baxay Wasiirka Maaliyadda aad baan uga naxay, waxay tidhi Sicir-bararka waxba ka qaban kari mayno, laakiin waxaan ku farxay hadal kale oo Xalay (Habeen hore) ay yidhaahdeen Wasiirka Maaliyadda iyo Guddoomiyaha Baanka dhexe, kaasi oo ahaa waxbaanu ka qaban karaynaa Sicir-bararka, waxaan leeyahay waanu idinku barbar taaganahay, waxaan leeyahay Geesinimada iyo Dhiirinaantu waxay kugu dhaweeyaan Guusha.”ayuu yidhi, waxaanu intaa sii raaciyey inuu hayo Qorsheyaal midho-dhal noqon lahaa oo Sicir-bararka wax lagaga qaban kari lahaa, sidaa darteed talada wax laga siiyo.

COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- ASKAR'S BLOG
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- durdurnews
- Farshaxan
- Gabileynews
- Gabiley24
- GabIleytoday
- Gamuur Trading Company
- Gardo
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- Murtimaal
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- Qodaalnews
- Qtlhost Website
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SalalNews
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- sooyaal
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews