berberatoday.com
Xildhibaan Siciid Cilmi Rooble Oo Ka Waramay Xeerar Madaxweynuhu Soo Celiyay
May 17, 2017 - Written by Berbera Today

Hargeysa(Berberatoday.com)-Guddoomiyaha Guddida Dastuurka, Garsoorka iyo Xuquuqul Isaanka ee Golaha Wakiilada Xildhibaan Siciid Cilmi Rooble, ayaa ka hadlay Xeerka Booliska, Xeerka Cadaalada iyo Xeerka Xabsiyada oo Golaha ka gudbay dibna uu Madaxweynuhu ugu soo caliyey, waxaanu sheegay inay muhiim tahay in xeerarkan waajibkooda laga guto, waxaanu si gaar ah u sheegay xeerka xabsiyada, oo uu tilmaamay in Wasiiradda Wasaaradda Cadaaladu ay waxba ka qaban waayeen.

 

Guddoomiyaha Guddida Dastuurka, Garsoorka iyo Xuquuqul Isaanka ee Golaha Wakiilada Xildhibaan Siciid Cilmi Rooble, oo shalay hadal ka jeediyey aqoon is weydaarsi uu Golaha Wakiiladu soo agaasimay, kana soo qayb galeen Garsoorka, Ururada Xuquuqul Isaanka, Ciidanka Asluubta iyo marti sharaf tiro badan ayaa ugu horeyn wuxuu yidhi “Mahada hore ILLAAHAY baa leh, mahada labaadna Haweenka iyo Mudanayaasha ka soo qayb galay, ee codsigaygii aqbalay baa leh, oo aan aad ugu mahadnaqayaa, waxaan ka xumahay, Wasaaradda Arrimaha Guddaha iyo Madaxda Booliska, ee aanu u gudbinay codsigan ee aan ka soo qayb galin, aad iyo aad baan uga xumahay, waxaana rajaynayaa inay kulamada dambe ka soo qayb galaan, waxaan u mahadnaqayaa Wasaaradda Cadaalada, oo qoraal kasta oo aanu u dirno ku timaada, ”.

Xildhibaan Siciid Cilmi Rooble mar uu ka hadlaayey Golaha Wakiilada iyo sumacada uu ku leeyahay Caalamka ayaa yidhi “Adduunka Golaha Wakiilada ayaa xukuma, balse 21 sanno oo nidaamkii Afweyne, ina haystay ayaa ina jaan-jaamiyey, aniga iyo Maayarka ama Badhasaabka, aniga waa la I celiyaa Xafiisyada qaar, Badhasaabkana waa la sii daaya, halkaynu marayno weeye, Golahani waxa uu ka wakiil yahay Shacabka, awooda ugu sareeysana Qaranka Shacabka leh, Shacabkuna wuxuu u wakiishay Golaha Wakiilada, inta kale waa shaqaale, Madaxweynaha ayaa magacaaba, waa Xoghaymo, iyo Shaqaalihii Shacabka u adeegayey weeye”.

Xildhibaan Siciid Cilmi Rooble mar uu ka hadlaayey Xeerka Booliska, Xeerka Cadaalada iyo Xeerka Xabsiyada ayaa yidhi “Xeerka Booliska, Xeerka Guddida Cadaalada iyo Xeerka Xabsiyada, saddexdaba waa lagu soo celiyey, xaq baanu u leenahay in aanu amba diidno Madaxweynaha ama aanu yeelno wuxuu nagu soo caliyey, oo waayo haddii aanu u coddeyno tii Madaxweynaha ayey galaysaa, inuu na dhaafana waajib weeye,ilayn maaha Madaxweynaha soo caliyey oo halkan baanu dhigaynaynaa, arinta dib u dhaca Golahayagu qayb ayuu ka yahay, waayo haddii loo coddeyn waayo tii Madaxweynaha ayaa soconaysa, Madaxweynuhuna xaq buu u leeyahay oo Dastuurka siinayaa, sharciyana arintu sidaas weeye, waana ku dadaalaynaa”.

Xildhibaan Siciid Cilmi Rooble mar uu ka hadlaayey Xeerka Booliska ee dib loo soo caliyey ayaa yidhi “Waxyaalaha Booliska lagu diidayna waan idin sheegayaa, cidii looga dacwoonayey Bilayska wey ku qornayd,Caalamka waxa jira Guddida Booliska, anagu waanu ku qornay, oo waa la diiday oo waxa la yidhi Booliska meelna loogama dacwoodo,dhibaatada ina haystana waxa weeye inta Wasiir ee ka tagay Wasaaradda Cadaalada markaas Wasiiraddu waxaad mooda inay rabaan awood ay sameeystaan oo ay ku yeeshan xeerkan, laakiin xeerkani boqol sanno ayuu jirayaa inuu noqdo xeer wanaagsan oo xuquuqda qofka ilaalinayaa, oo beri markaas shacab noqoto adiga laftaada ku ilaalinayaa, waxaanu nidhi oo aanu booliska ku diidnay in aanu xabad ridin, oo aanu dadka ku ridin.”

Dhinaca kale wuxuu Xildhibaan Siciid Cilmi Rooble, uu sheegay inay dib u eegis ku sameeyn doonaan xeerka Garsoorka iyo Xeerka Ciqaabta,

Dhanka kale waxa isna halkaas ka hadlay Xoghayaha Golaha Wakiilada Cabdirisaaq Siciid Ayaanle, oo ka xog waramay ujeedada kulankan aqoon is weydaarsiga ah, waxaanu tilmaamay in kulamo kulan ka balaadhan haddii ALLE idmo ay ku talo jiraan inay iskugu yeedhaan Hay’addaha ay quseeyso, sida Garsoorka, Saxaafadda, Xuquuqul Isaanka iyo Wasaaraddaha ay sida gaarka ah u khuseeyso.

Guddoomiyaha Xarunta Xuquuqul Isaanka Guuleed Axmed Jaamac oo isna halkaas ka hadlay ayaa ayaa sheegay inay muhiim tahay in la ilaaliyo xaqa iyo xuquuqda maxbuuska, oo cid aan dambi lahayn aan la iska xidhin.

Wasiiru dawlaha Wasaaradda Cadaalada Khadar Axmed Diiriye oo isna halkaas ka hadlay ayaa Golaha Wakiilada uga mahadnaqay kulankan, waxaanu sheegay inuu muhiim yahay.

 

 

Berberatoday.com

COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- ASKAR'S BLOG
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- durdurnews
- Farshaxan
- Gabileynews
- Gabiley24
- GabIleytoday
- Gamuur Trading Company
- Gardo
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- Murtimaal
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- Qodaalnews
- Qtlhost Website
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SalalNews
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- sooyaal
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews