Daawo Muuqalka”Madaxweyne Siilaanyo Oo Dhagax Dhigay Dhaam Biyoodkii Ugu Horeeyey Ee Tabarucaadka Ahaa Soona Kormeeray Sida Ay U Socoto Qaadhaan Ururinta Caasimada Hargeysa Ee Abaaraha
May 19, 2017 - Written by Berbera Today
Hargeysa(Berberatoday.com)-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Axmed Maxamed Silaanyo, ayaa maanta kormeer ku tegay qaar ka mid ah degmooyinka Caasimada oo ay ka socoto ururinta qadhaanka dadka abaaruhu saameeyeen loogu talo-galay in lagu xooleeyo, laguna sameeyo dhaamam iyo seerayaal dhaxal iyo dhigaal u noqda wixii abaaro ah ee soo noq-noqda, taasi oo lagaga gaashaamanayo wixii danbe.