Cali-gurey Oo Duray Aaminaadda Bulshadu Ku Qabi Karto Guddida Kasoo Kasbashada Abaaraha
May 19, 2017 - Written by Berbera Today
Hargeysa(Berberatoday.com)-Siyaasi Cali Maxamed Yuusuf(Cali-gurey), ayaa hoos u dhiay kalsoonida bulshadu ku qabi karto guddida uu dhawaan madaxweyne Siilaanyo u magacaabay kasoo kasbashada abaarihii dalka ka dhacay, waxana uu ka digay hantida lagu baaqayo in guddidaas gacantooda lagu shubo.

Mujaahid Cali-gurey oo war qoraal ah oo uu arrintan kaga hadlayo soo dhigay barta uu Facebook-ga ku leeyahay, ayuu muhmal ku geliyey daacadnimada xubnaha dhawaan la magacaabay oo lacago badan oo bulshada laga ururin doono lagu wareejin doono.