Kalsoonida Shacabka Somaliland Iyo Cadaawada Hoose Ee Dawlada Jabuuti W/Q Mukhtaar Cabdiraxmaan
May 19, 2017 - Written by Berbera Today
Sida aynu Wada oganahay Xukuumada Somaliland Ayaa Xoriyadeedii Ka Qaatay Dawladii Somaliya 1991kii Taasi Oo Hada Laga Joogo Mudo Ku siman 26 Sano Kadib Markii shacabkii Somaliland Iyo ururkii Xaq udirirka Ahaa Snm Ay Ka dhiidhiyeen Dawlad Xumada xabaarsanayd Xasuuq Boobka Iyo Isir Nacaybkii Goboladii Waqooyi Ee Wakhtigaasi (Somaliland) Intaasi kadibna Waxaa La Isugu yimi Samaysi Dib udhiskii Dawladii Somaliland Ee Caalamka Laga Yaqaanay Wakhtigii 1933 -1959kii Taasi Oo La odhan jiray Somaliand British Protactore Ka Kor intaanu dhicin Midowgii Lagu Hungoobay 1960kii , Somaliland Laga Soo Bilaabo 1991kii Waxay noqotay Dawlad Xoogan Kamid Ah Dawladaha Somalida kuwooda ugu Awooda iyo Maamulka Wanaagsan Uguna Nabdoon Taasina Waxay usahashay inay Noqoto Dawlad Hana Qaad ah Oo Ku dhaqanta Habka dimuqraadiyada Waxayna Qabstay Doorashooyin kala Duwan iyadoo ay soo mareen madaxwayneyaal afar gaadhaya oo hab Cadaalad Ah Xilka isugu Dhibay sidaasina Ilaa Hada Dawlada Somaliland Waxay Ku noqotay Dawlad ku timi Rabitaanka (Doonista) shacabka Somaliland Taasi Waxa Ka dhalatay xifaltan Iyo Nacayb siyaasadeed Ku abuurma Somalida inteeda kale Oo Ay Ugu Horayso Dawlada Somliya Oo Somaliland uhaysa Nacayb dabiici ah (natural hate)kaasi Maamulada hoostagna Ku abuurtay ababisay Nacaybka Dawlada tashatay Ee somaliland Balse Waxay Ilaa Hada shacabka Iyo Dawlada Somaliland Morgan Yihiin Cadaawada Dawlada Jabuuti Oo Ah dawlada Kaliya Ilaa Hada Somaliland xaqirideeda Iyo daandaansigeeda Siyaasasdeed cadaystay Taasi oo ilaa hada la Garanayn meelu salka ku hayo Nacaybka shacabka Iyo Xukuumada jabuuti suaashu waxay tahay Somliya Dagaal iyo dhiig ayaa na dhexmaraye jibuuti xagee ujiibinaysaa Carqaladaynta danaha siyaasadeed Arimaha Dibada jabuuti Kow ayey Ka tahay markaynu eegno hadalka Madaxwayne Geele oo had Iyo jeer ku celceliya isagoo dhibsanaya Somaliland Mamulka Somaliland Sidee ayeynu jabuuti isugu imankarra ama dano noocee ah ayaa inaga dhexeeya ta kowaad waxaynu wadaagna marin biyoodka Badda oo kaliya waana ta kaliya ee ay xukuumada jabuuti u suxul duubto sidii ay uxidhi lahayd balse taasi ayaan macquul noqon karin waayo dekeda Berbera waxay ku taala goob strategy ah oo saamaxaysa suuragalnimada iyo hirgelinta Ganacsiga Yurub Ameerica Bariga dhexe iyo Wadamada Khalijka waxaan Umada u iftiiman Lahayn cadaawada Aan meelnaba salka ku hayn ee jabuuti taaso aynu ubaahanahay inaynu sidii dawladnimo ula dhaqano kuna adagkayno dhinaca sharciyada isku socodka iyo danaha siyaaaadeed ee labada dal Jabuuti Afkay Buurtee Maxaa daaray !!Waxaa Daaray Naxli Xaasidnimo , Xaqdi,Jaar darro,Bulsho Nacayb,