Ciidanka Asluubta Oo Lacag Ugu Deeqay Dadka Abaaruhu Saameeyeen Kuna Wareejiyey Guddida Taakuleynta Abaaraha
May 20, 2017 - Written by Berbera Today
Hargeysa(Berberatoday.com)-Madaxwayne ku xigeenka Jamhuuriyadda Somaliland ahna Guddoomiyaha guddida taakulaynta abaaraha, Mudane Cabdiraxmaan Cabdillaahi Ismaaciil (Saylici) ayaa Taliyaha Ciidanka Asluubta Somaliland sareeye guuto Maxamed Cismaan Xudhuun ka guddoomay qadar lacageed oo dhan 70,825 Milyan SLSH (Todobaatan milyan iyo sideed boqol iyo shan iyo labaatan kun oo shillinka Somaliland ah) lacagtaasi oo ay iska soo ururiyeen dhammaan ciidanka Asluubta ee Somaliland iyagoo ugu tallo galay inay kaga qayb qaataan gurmadka dadka ay abaarahu saameeyeen.
Kulankaasi oo ay kasoo qayb galeen xubno sare oo ka socday guddida heer qaran ee taakulaynta abaaraha iyo saraakiisha Ciidanka Asluubta ayaa waxa halkaasi ka hadlay Taliyaha guud ee Ciidanka Asluubta Sareeye guuto Maxamed Cismaan Xudhuun waxaanu yidhi “Madaxweyne ku-xigeen waxaan halkan kugu wareejinayaa qadar lacageed oo dhan 70,825,000 SLSH oo ay iska soo ururiyeen ciidanka Asluubta Somaliland, mushaharaadkoodana ka jareen si ay uga qayb qaataan u gurmashada walaalahooda ay abaaruhu saameeyeen”.