Dawladda Somaliland Oo Markii Ugu Horeysay Ka Furatay Xafiis Dimlamaasiyadeed Dalka Sweden
May 20, 2017 - Written by Berbera Today
Sweden(Berberatoday.com)-Wasaaradda arrimaha dibadda ee Somailand ayaa markii ugu horeysay ka furatay xafiis diblamaasiyadeed dalka Sweden, waxaana habeenkii Arbacada ee taariikhdu ahayd 17,May,2017, xadhiga ka jaray wasiirka wasaaradda Arrimaha dibadda ee Somaliland Dr. Sacad Cali Shire. Waxaana halkaasi warbixin ku siiyay wakiilka Somaliland ee dalka Sweden Amb. Sakariye Xasan Wacays oo madaxweynaha Somaliland iyo wasiirkaba uga mahadceliyay fududeynta sidii uu xafiiskan loo furi lahaa, isagoo intaasi ku daray in ay doorteen inay xafiiskan ka furaan goob ay ku yaallaan safaarado badan oo degan dalka Sweden. Sidoo kalena u mahadnaqay Jaalliyada Somaliland ee Sweden, masuuliyiinta xafiiska Jaalliyada iyo ergeyga gaarka ah Somaliland u qaabilsan Yurub Michael To oo sida uu sheegay gacan weyn ka geystay hirgalinta xafiiskan