berberatoday.com
“Guushani Waa Mid Xigmadaysan Oo Casri Ah..”Hasan Ruuxaani Oo Ka Hadlay Hoggaaminta Iran Ee Uu Markii Labaad Ku Guulaystay
May 20, 2017 - Written by Berbera Today

Dahran(Berberatoday.com)-Madaxweynaha Iiraan Xasan Ruuxaani, ayaa mar labaad ku guulaystay doorashada Madaxtinnimo ee shalay ka dhacday dalkaas, sida uu sheegay Telefishinka Qaranka ee Waddanka Iran.

HASSAN ROUHANI RE-ELECTED PRESIDENT OF IRAN 19 MAY 2017

HASSAN ROUHANI RE-ELECTED PRESIDENT OF IRAN 19 MAY 2017

Iyadoo la tiriyay ku dhawaad dhammaan codadkii laga dhiibtay doorashada oo ahaa 50 Konton Milyan oo cod, ayaa Ruuxaani waxa uu helay 72.2% boqolkiiba, sidaana waxa uu uga badbaaday wareeg kale.

Ibraahim Raisi oo ah Ninka la tartamayay Ruuxaani, ayaa sheegay in taageerayaasha Madaxweynaha ay falal sharciga ka baxsan ka geysteen goobaha Cosbixinta qaarkood, waxaanu ku andacooday in sharci-darrada ay Taageerayaasha Ruuxaani sameeyeen tahay ta keentay inuu Codad Xad-dhaaf ah kaga guulaysto.

Waqtiga codbixinta ayaa shalay muddo 5 saac ah lagu kordhiyay, oo waxa ay goobaha doorashada xirmeen saqdii dhexe ee xalay, ka dib markii ay dad badan usoo baxeen in ay codkooda dhiibtaan.

Ruuxaani oo 68 jir ah, ayaa ballanqaaday in uu Iiraan ku hogaaminayo aragti dhexdhexaad ah, waxaana uu guushiisa ku xiray ka mira dhalinta heshiiska nukliyeerka ee uu dalkiisa la galay dalalka caalamka ugu taagta roon.

Waxa uu Madaxweyne Xasan Ruuxaani ka hadlay guushiisa, mar uu Maanta Caasimadda Tahran kula hadlayey Kumannaan Taageerayaashiisa ka tirsan oo isugu soo baxay farxadda guusha Madaxweynohooda, waxaanu yidhi; “Guushani waa Guul Xigmadaysan, casri ah oo meesha ka saartay Xagjiriinta.”

Hoggaamiyaha Diinta ee waddanka Iiraan Ayatollah Ali Khamenei, ayaa Hambalyeeyey Madaxweyne Ruuxaani oo uu sheegay in uu ku faraxsan yahay sida uu mar labaad Kalsoonida Shacabkiisa inta badan u helay ama ugu guulaystay, waxaanu ku baaqay in si waddaniyad iyo daacadnimo leh loola shaqeeyo Madaxweyne Ruuxaani.

 

 

Berberatoday.com

COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- ASKAR'S BLOG
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- durdurnews
- Farshaxan
- Gabileynews
- Gabiley24
- GabIleytoday
- Gamuur Trading Company
- Gardo
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- Murtimaal
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- Qodaalnews
- Qtlhost Website
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SalalNews
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- sooyaal
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews