berberatoday.com
Roobab Laxaadle Oo Muqdisho Ka Da’ay Oo Sababay Khasaare Naf Iyo Maalba Isugu jira – Warbixin
May 20, 2017 - Written by Berbera Today

Muqdisho(Berberatoday.com)-Allaah ha u naxariistee Saddex Ruux, ayaa la xaqiijiyey inay ku dhinteen Guryo Roobab xooggan oo xalay Muqdisho ka da’ay ku dumiyeen, halka ay kuwo kalena ku dhaawacmeen Xaafado iyo degmooyin kala duwan oo gobolka Banaadir ka tirsan, isla markaana waxa ka dhashay Khasaare hantiyeed oo Gaadiid iyo Guryo-ba isugu jira.

ROOBAB XOOGGAN OO MUQDISHO KA DA'AY OO KHASAARE DHIMASHO IYO HANTIBA AH SABABAY 19 MAY 2017

Roobkaas Muqdisho ka da’ay xalay iyo shalay, ayaa qayb ka ahaa Roobab Miisaan leh, oo shalay iyo xalay ka da’y gobollo kala duwan oo Soomaaliya ka tirsan. Hase-yeeshee, Roobka ka da’ay Caasimadda waddanka Soomaaliya ee Muqdisho, ayaa sababay Khasaarahaas mid nafeed iyo mid maalba isugu jira, sida ay xaqiijiyeen Masuuliyiin dawladda Soomaaliya ka tirsan oo ay soo xigatay Laanta Afka Soomaaliga ee Idaacadda VOA.

Waxay Weriyaha VOA ee Muqdisho Seynab Abuukar, ku warrantay oo ay sheegtay in saddex Ruux oo laba ka tirsani Carruur yihiin ku dhinteen degmada Boon-dheere ee gobolka Banaadir (Magaalada Muqdisho), kuwaas oo labada Carruurta ahi isku Qoys ahaayeen iyo Qofka saddexaad oo Qoys kale ahaa, ka dib markii ay ku dumeen Guryihii ay degganaayeen.

Weriyuhu waxay intaas ku dartay inay jiraan Guryo dumay oo aan Dad ku dumin oo ay ka badbaadeen Qoysaskii ku jiray, balse wixii hoos-yaallay ku dumay, Baabuur Daad qaaday, isla markaana la aamminsan yahay in Khasaaraha Roobabka xalay Muqdisho ka da’ay dhaliyeen Khasaare intaas ka badan, balse waxay xustay inaanay Masuuliyiinta dawladdu weli si rasmi ah u soo bandhigin khasaaraha rasmiga ah ee Roobabkaas iyo Daadadka ka rogmaday sababeen.

 

 

 

 

Berberatoday.com

COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- ASKAR'S BLOG
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- durdurnews
- Farshaxan
- Gabileynews
- Gabiley24
- GabIleytoday
- Gamuur Trading Company
- Gardo
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- Murtimaal
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- Qodaalnews
- Qtlhost Website
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SalalNews
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- sooyaal
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews