berberatoday.com
Wasiir Maxamuud Xaashi: Wejiyada Cusub Ee Siyaasadda Iyo Kala Doorashadiisa Midig Iyo Bidix! W/Q: Sakariye-Awaare – Q:1-aad
May 20, 2017 - Written by Berbera Today

Wasiirka Madaxtooyada Somaliland oo ay ka muuqato in uu beryahan danbe aad uga calool go’ay Xisbiga Kulmiye, muujiyayna in uu xisbigiisii imika kula dhaqmo ama kala socda kurta uun bal se aanuu si niyad ama mabda’iyan ah ula socon. Taas waxa caddayna ka dib markii uu hore u soo bandhigay in uu damac kaga jiro guddoomiyennimada ama aan idhaahdee musharraxnnimada iyo hoggaaminta xisbiga Kulmiye ee mustaqbalka dhow, doorashada soo socota ka dib.

GUDDOOMIYAHA UCID FAYSAL CALI WARAABE IYO WASIIRKA MADAXTOOYADA SOMALILAND MAXAMUUD XAASHI CABDI 2017

GUDDOOMIYAHA UCID FAYSAL CALI WARAABE IYO WASIIRKA MADAXTOOYADA SOMALILAND MAXAMUUD XAASHI CABDI 2017

Maxamuud Xaashi arrintaas waxa iska hor taagay sababo badan iyo caqabado badan oo ay ka mid tahay Muuse Biixi oo aan shaqsi ahaan ugu kalsoonayn kana door bidaya Maxamed Kaahin iyo Madaxweynaha oo aan ka sii jeeda Xisbiga iyo arrimihiisa kuna mashquulsan nidaamka Xukuumadda.

Wasiirku asbaabahaas awgood waxa uu si weyn uga niyad jabay gebi ahaan ba Xisbigii Kulmiye, waxa uu ka cago jiiday wax kasta oo ku tacaluqa horusocodnnimada xisbagaas.

Muddooyinkii u danbeeyey waxa uu Wasiirku faq iyo shirar hoosaad badan la yeeshay Guddoomiyaha Xisbiga Ucid si uu u hirgaliyo hankiisa ah in mar uun uu helo Xisbi uu hoggaamiyo ama lagu wareejiyo, si uu taa ka dib mar uun u hanto Kursoga u sarreeya ee madaxweynennimada dalka oo dhan. Damacaas in uu yeeshaa ma xuma bal se waxa aynu si dhab ah u ognahay waxa ku kallifay in ay tahay xatooyada, musuqa iyo hantida aan la qiyaasi karin ee uu urursaday intii uu xilalka ka hayey Qaranka.

Maxamuud Xaashi waxa uu ka mid yahay wasiirrada la bilaabay tan iyo intii ay jirtay xukuummaddu ee loo dhiibay xilkii u horreeyay ilaa iyo haatanna sidii u nuuga tuunbada xaaraanta ah ee lacagta iyo cashuurta laga qaado danyarta reer Somaliland. Wasiirkan hankiisa iyo himiladiisa uu quusta ka joogo waxa u sabab ah Maxamed Kaahin oo ah Ku Xigeenka Muuse Biixi ee Xisbiga Kulmiye oo uu meel uu ka dhaafo waayey iyo Kaahin oo aan oggalayn in mansabkaas uu calaamadsaday loo daba maro. Arrintani haddii ay doorashada ka dib soo if baxdo waxa ay lafjab ku tahay Muuse Biixi oo waayaya Codad faro badan oo ku kala jabaya kala jiidashada hoggaankaas Xisbiga, waana mid aanu xakamayn karin oo imika khilaafkeedii aloosmayo.

Wasiirka waxa damaciisan Xisbiga Ucidna laalay, yeedhayeedhaha la maqlayo ee la xidhiidha in masuuliyiin ka soo jeeda Gobolka Sool ay doonayaan hanashada Ucid, Faysalna wada hadallo hoose oo googoos ahi u socdaan. Waxa muuqata in gun ilaa baar ay burburto hankii, himiladii iyo hiigsigii Maxamuud Xaashi ay burburiyaan arrimahaas jaranjarada ah oo is biirsaday.

Haatan Wasiirka Madaxtooyada waa nin haysta dhaqaale aad u faro badan oo uu sifo aan sharci ahayn ku hantiyey intii uu ku shaqaysanayey awoodaha qaranka. Ee uu heegga u sii daayey madaxweynuhu.

Marka laga tago Wasaaradda uu imika joogo waxa uu Maxamuud Xaashi si khalddan ugu tagrri falaa wasaarado iyo xilal kale oo muhiim ah oo uu miisaaniyaddooda maamulaa, sida. Wasaaradda Biyaha oo uu ka cahdhiyey Baashe, Mansabkii uu ka faro maroojiyey Cali Sandulle iyo miisaaniyaddii gobolada bari oo dhan. Waxa kale uu weli ku amar ku taagleeyaa Wasaaradduu uu aad fahansanaa ee uu ku bilaabay xatooyada ee Duulista Hawada Iyo Gaadiidka Cirka. Waxa kale oo uu afka u dhigtay Wasiirku Lacagta ka soo xaroota Hawada iyo maamulkeeda.

Guud ahaan ba maanta waxa huraya dab uu shiday Maxamuud Xaashi iyo mid isaga lagu shiday, oo saamaynaya Xisbiga Kulmiye, Sharafta iyo sumcadda Madaxweymaha iyo idil ahaan ba qaranka oo dhan.

La Soco Qormooyin kale oo Taxaneheennan ka mid ah oo Xogo muhiim ah xambaarsan haddii Illaahay yidhaahdo.

Sakariye87@gmail.com

Sakariye Saxardiid (Awaare)

Aftahannews.com

Hargeysa/Somaliland.

COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- ASKAR'S BLOG
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- durdurnews
- Farshaxan
- Gabileynews
- Gabiley24
- GabIleytoday
- Gamuur Trading Company
- Gardo
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- Murtimaal
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- Qodaalnews
- Qtlhost Website
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SalalNews
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- sooyaal
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews