“Dib U Dhaca Doorashooyinka Iyo Muddo Kordhintaba Sabab La’aan Kumay Iman Ee Duruufo Ayaa Keenay”Gudoomiye Kuxigeenka Labaad Ee Xisbiga Kulmiye Axmed Cabdi-dheere,
May 21, 2017 - Written by Berbera Today
Hargeysa(Berberatoday.com)-Guddoomiye ku xigeenka labaad ee Xisbiga Muxaafidka ee Kulmiye Axmed Cabdi Dheere, ayaa sheegay in aanay sinaba Somaliland iyo Somaliya dib u midoobi doonin, waxaanu Beesha Caalamka ugu baaqay in aanay iska indho tirin madax banaanida Somaliland ee aqoonsiga ay u baahan tahay siiyaan.

Guddoomiye ku xigeenka labaad ee Xisbiga Muxaafidka ee Kulmiye Axmed Cabdi Dheere oo u waramaya Wargeyska Geeska Afrika ayaa sidoo kale ka hadlay dhaliilaha Beesha Caalamka ee ku saabsan dib u dhaca ku yimid Doorashooyinka iyo muddo kordhinta Xukuumadda, waxaanu tilmaamay in aanay sabab la’aan ku iman ee ay duruufo keeneen, waxaanu ugu horeyn yidhi isagoo ka hadlaya madax banaanida Somaliland “Wadanka Somaliland, waa Wadan hore uga tirsanaa Caalamka, markii uu xoriyadiisa ka qaatay Ingiriiska ayuu Somaliya la midoobay, balse cadaadiis iyo dhib badan kadib Shacabka reer Somaliland dib ayey ula soo noqdeen xoriyadoodii ka luntay, Beesha Caalamkuna wey aragtay in aanay sinaba suurtagal u ahayn in Somaliland ay la midoowdo Somaliya, ee aqoonsiga ay Shacabka Somaliland u ooman yihiin ayaanu Beesha Caalamka marti uga nahay, waxaana xaqiiqo aan la iska indho tiri karin ah in Shuruudihii looga baahnaa dal inay Somaliland buuxisay, oo Doorashooyin baa ka hirgalay, Dimuqraadiyad baa ka hirgashay, nidaamkii qaabilka waa laga baxay, oo waxa loo gudbay nidaamka Xisbiyada badan, oo qof walba Xisbiga uu doono ayuu codkiisa siinayaa, halka Somaliya aanay intaasiba wali ka hirgalin”.