“Madaxweyne, Waxaan Markhaati Ka Ahay Hirgelintaada Haybadda Ciidamada Qalabka Sidaa Inay Kuu Tahay Astaan Kuugu Xardhan Baalka Taariikhdaada”Xoghayaha Cadaaladda WADDANI Barkhad Jaamac Batuun
May 21, 2017 - Written by Berbera Today
Hargeysa(Berberatoday.com)-Xoghayaha Cadaaladda ee Xisbiga Mucaaradka ah ee WADDANI Gar-yaqaan Barkhad Jaamac Xirsi, ayaa Madaxweynaha Somaliland Md. Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) ku amaanay tabaca uu geliyey Ciidammada kala duwan ee Qalabka sida.
Xoghayaha Cadaaladda ee Xisbiga WADDANI oo hore u ahaa La Taliyaha Arrimaha Bulshada ee Madaxweyne Siilaanyo, ayaa qoraal uu Xalay ku baahiyey Internet-ka ku sheegay inuu ka mid ahaa Ardaydii Siyaasadda ee Madaxweyne Siilaanyo, sidaa darteed uu ka markhaati kacayo waxqabadkiisa wanaagsan ee Taariikhda u gelaya.