berberatoday.com
Qorshe Al-shabaab Ku Dili Lahaayeen Taliyaha Ciidammada Jabuuti Ee Soomaaliya Jooga Oo Fashilmay
May 21, 2017 - Written by Berbera Today

Beledweyne(Berberatoday.com)-Askari ka tirsan ciidamada xoogga dalka Soomaaliya  ee gobolka Hiiraan, ayaa soo bandhigay Walxaha qaraxa oo sida uu sheegay Al-shabaab kula ballaameen in lagu dilo qaar ka mid ah saraakiisha ciidamada dowladda iyo kuwa howlgalka AMISOM.

Warka Al-shabaabAskarigan oo lagu magacaabo Maxamed Cali Axmed oo warbaahinta faah faahin ka siiyay sheekada ku saabsan Xidhiidhka dhexmaray isaga iyo saraakiisha Al-shabaab ayaa sheegay in ay kula ballaameen in walxaha qarxa u geeyo xerada Lama-galaay oo saldhig u ah ciidamada xoogga dalka Soomaaliya qeybta 21aad oo ah xero si weyn amnigeeda loo ilaaliyo.

‘’Waxyaabaha ay i weydiiyeen waxaa ka mid ahaa in aan awood u leeyahay tagista xarumaha waaweyn ee ciidamada xoogga dalka iyo kuwa AMISOM, waxaan u sheegay in xarumaha ciidamada dowladda iyo kuwa AMISOM sidda Jabuuti iyo Itoobiya intaba aan tagi karo, intaa kaddib qofkii talleefoonka igula hadlayay ayaa igu yidhi qofka aan u baahannahay ayaad tahay, howl in aad noo qabato ayaan rabnaa wax kasta oo aad u baahantahayna waan ku sameyneynaa’’ ayuu sheegay askariga, waxaa uu intaa ku daray ‘’Markii arintan ay soo shaac-baxday waxaan la socodsiiyay qaar ka mid ah saraakiisha ciidamada iyo kuwa AMISOM, talleefoon ayaan kula hadalnay sarkaalkii ka tirsanaa Al-shabaab ee arintan xidhiidhka igala soo sameeyay, waxaa uu igu yidhi in 50 askari oo ka tirsan ciidamada dowladda ay ku dhintaan qaraxan waxaa nooga qiimo badan hal sarkaal oo ka tirsan ciidamada dowladda ama kuwa AMISOM, magacyo ayuu ii qoray oo ah saraakiisha ay rabaan in qaraxan lagu dilo, waxaa ka mid ahaa Col Xassan Jaamac oo ah taliyaha ciidamada Jabuuti iyo Jen. Towane Axmed Gure oo ay taliyaha ciidamada xoogga dalka ee gobolka Hiiraan‘’ ayuu yidhi askarigan.

Waxaa uu intaa ku darray in ay ku ballameen deegaanka Gabadhlaawe oo 3km dulleedka Koonfureed ka xiga magaalada Beledweyne, kaddib markii ay ka biyo diideen sida uu hadalka u dhigay in ay gudaha u soo gallaan magaalada.

‘’Markii ay diideen in ay gudaha u soo galaan magaalada waxaan diyaarsaday ciidamo qarsoodi ah oo gacanta ku dhiga ragga qaraxa waday, hase-ahaatee markii aan ku dhawaaday oo ay ka war helleen in ciidamo ila socdaan walxaha qaraxa ayeey goobta dhigeen waana ay baxsadeen is rasaaseyn ayaana dhexmartay iyaga iyo ciidamada’’ ayuu yidhi askarigan.

Taliyaha ciidamada xoogga dalka ee gobolka Hiiraan Jen. Towane Axmed Gurey oo ka mid ahaa saraakiishii loogu talagalay in qaraxan lagu dilo ayaa abaalmarin lacageed guddoonsiiyay askarigan fashiliyay qorshaha Al-shabaab waxaana uu intaa ku darray in la dalacsiin doono.

Waa markii ugu horeysay oo Askari ka tirsan ciidamada dowladda federaalka ee gobolka Hiiraan uu la wadaago saraakiisha dowladda iyo kuwa AMISOM qorshe ay damacsanaayeen Al-shabaab oo isaga loo sii mari lahaa.

 

 

 

Berberatoday.com

COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- ASKAR'S BLOG
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- durdurnews
- Farshaxan
- Gabileynews
- Gabiley24
- GabIleytoday
- Gamuur Trading Company
- Gardo
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- Murtimaal
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- Qodaalnews
- Qtlhost Website
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SalalNews
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- sooyaal
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews