berberatoday.com
Maxaad Ka Ogtahay Sababaha Ay Haweenku Caafimaad Ahaan Ugu Baahi Badan Yihiin Raga Dhinaca Hurdada, Akhriso Cilmi Baadhis Caafimaad
May 22, 2017 - Written by Berbera Today

Washington(Berberatoday.com)-Cilmibaadhis cusub ayaa mar kale ka marag kacday in dumarku ay ugu baahan yihiin hurdo ugu yaraan 20 daqiiqo ka badan saacadaha hurdo ee uu ninku u baahan yahay. Cilmibaadhistan uu Geeska Afrika turjumay ayaa shabakadda Alcarabiya ay ku soo bandhigtay sababaha caafimaad ahaan ay gabadhu ugu baahan tahay in ay huruddo saacado ka badan inta uu ninku u baahan yahay, ayaa sheegtay in gabadha ay da’deedu u dhexeyso 26 jir illaa 64 jir ay u baahan tahay 7 illaa 9 saac oo hurdo ah maalin kasta, halka gabadha da’da korriinka weli ku jirtaa ay u baahan tahay 9 illaa 10 saac oo hurdo ah maalin kasta, sababtuna waa:

1. Waxa ay cilmibaadhayaashu aaminsan yihiin in gabadhu ay maskax ahaan ka daal badan tahay ninka, oo tusaale ahaan ay maskaxdeedu awood dabiici ah u leedahay in ay arrimo door ah hal mar ka wada fikirto, hal marna wada qabato, sidaa awgeed daalka soo gaadhaya oo ka badan ka ninka awgeed waxa ay u baahan tahay hurdo ka badan tiisa.

2. Gabadhu waxa ay habeenkii dhididdaa in ka badan ninka, waana waxa afka cilmiga lagu yidhaahdo, ‘Menopause Hot Flashes’ waxa kale oo u raaca xaalado kale oo inta badan ku lammaan si gaar ah marka ay gabadhu caado goyso, arrimahaas iyo sababahaas dhinaca bayoolojiga ah ayaana keena in gabadhu saacadaha ay hurddaa aanay ahayn kuwo ay si fiican uga bogato hurdada oo inta badan hurdo xumo ku jirto, waana sababta ay ugu baahan tahay in ay saacado dheeraad ah seexado si ay khalkhalkaas u kabto.

3. Xilliga koritaanka ay weli ku jirto, gabadha waxaa inta badan ku dhaca isbeddel xooggan oo dhinaca dabeecadda ah, sababtuna waa isbedellada xawaaraha ku socda ee sida xooggan ugu dhacaya hormoonnadeeda, arrintaasi waxa kale oo ay saamayn ku yeelataa hurdadeeda oo aanay aalaaba si fiican uga dhergin.

4. Inta badan dumarka shaqeeyaa ma helaan hurdo ku filan, sababo badan ayaa taas ugu wacan, waxa aana ka mid ah culayska shaqada oo gabadhu uga nugushay ninka, sida oo kale sakatiga iyo xaaladaha nafsiga ah ee nolol maalmeedka ku badan ayaa inta badan saamayn ta ragga ka badan ku yeesha hurdada gabadha.

5. Waxaa jira xaalad caafimaad oo afka qalaad lagu yidhaahdo ‘Restless Legs Syndrome’ xanuunka cago daalka, in kasta oo uu si guud dadka ugu dhaco, haddana waxa ay xaaladdani aalaaba ku badan tahay dumarka, waxa aanay ka xumaysaa hurdada, sababtaas awgeed ayaanay fiican tahay in gabadhu saacado dheeraad ah u seexato si ay u soo kabto hurdadii aan xasiloonayn ee xaaladdani ku keentay.

6. Uurku waxa uu keenaa hurdo yaraan, sababtuna waa isbedellada hormoonnada, iyo kuwa jidheed iyo caadifadeed ee gabadha ku dhaca xilligaas uurka, sidaa awgeed xaaladdan oo kale gabadhu waxa ay u baahan tahay hurdo ka badna inta uu ninku helo.

7. Cilmibaadhis cusub ayaa iyaduna daahfurtay in gabadhu haddii aanay hurdo ku filan helin, ay khatar u tahay in uu ku dhaco cudurka macaanka noociisa labaad, sida oo kalana ay u nuglaato cudurrada ku dhaca xididdada dhiigga.

 

 

 

Berberatoday.com

COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- ASKAR'S BLOG
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- durdurnews
- Farshaxan
- Gabileynews
- Gabiley24
- GabIleytoday
- Gamuur Trading Company
- Gardo
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- Murtimaal
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- Qodaalnews
- Qtlhost Website
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SalalNews
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- sooyaal
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews