berberatoday.com
Haweenay Kamid Ahayd Asaasayaashii Xisbiga Waddani Oo La Sheegay Inay Xisbigaas Iskacasishay Iyo Sababta Keentay Iscasilaada
May 22, 2017 - Written by Berbera Today

London(Berberatoday.com)-Warar Xogogaal ah oo ay heshay Shabakada Wararka Berberatoday.com ayaa sheegaya in ay Xisbiga Waddani iska Casilayso Caasha Xuseen Mareykan oo kamid ah haweenka sida weyn looga tixgaliyo Gobolka Saaxil islamarkaana kamida haweenka siyaasada asxaabta qaranka sida weyn uga dhex muuqata ilaa markii nidaamka Asxaabta siyaasada la bilaabayna kamid ahayd shaqsiyaadka haweenka ah ee Xisbiyada siyaasada ka dhex muuqada.

Caasha Xuseen Mareykan oo kamid ah dadkii asaasay Xisbiga Wadani ee kasoo diga rograt Xisbiga UCID ayaa iscasilaadeeda lala xidhiidhiyay inay ka biyo diiday qaabka Xisbiga majarihiisa siyaasadeed usocodo iyo iyada oo aan tixgalin buuxda Xisbiga taladiisa iyo go,aamadiisa ku lahayn dadkii asaaska Xisbiga lahaa ee ay kamid tahay Caasha Xuseen Mareykan.

Iscasilaada Caasha Xuseen Marayn ayaa wali soo shaac bixin waxase aanu warkan ka helay ilo wareedyo lagu kalsoonyahay oo ka agdhaw Haweenayda kamidka ahayd asaasayaashii Xisbiga waddani ee garabkii Cabdiraxmaan Ciro hogaaminaayay ee ka go,ay Xisbigii Ucid mudo hada laga joogo 9 sanadood.

Mar aanu iskudaynay in aanu Caasha Xuseen Mareyn oo joogta dalka Ingiriiska in aanu warkan ka xaqiijino ayaany noo suuragalin aanu tilifoonkeeda gacanta ku helo.

Caasha Xuseen Mareyn ayaa kamid ah Haweenka Siyaasada ku jira ee kasoo jeeda Gobolka Saaxil islamarkaana ilaa xiligii xisbiyada siyaasada la sameeyay kadhex muuqday saaxda siyaasada Somaliland.

Waayadan danbe waxa soo badanaayay iscasilaada Masuuliyiinta Haldoorka ahi iska Casilayaan Xisbiga waddani iyada oo sababaha ugu badan ee icasiladaas lala xidhiidhinayaa tahay majaraha siyaasadeed ee Xisbiga Waddani lagu hogaaminayo oo la fahmi waayay iyo dad gaar ah oo taladii Xisbiga cunaha iskaga duubay..

Wixii war ah ee Kasoo kordha Iscasilaada Caasha Xuseen Marayn kala Soco shbakada Wararka ee Berberatoday.com anaga isku dayi doona in aanu xidhiidh toosa la samayno.

 

 

Berberatoday.com

COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- ASKAR'S BLOG
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- durdurnews
- Farshaxan
- Gabileynews
- Gabiley24
- GabIleytoday
- Gamuur Trading Company
- Gardo
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- Murtimaal
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- Qodaalnews
- Qtlhost Website
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SalalNews
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- sooyaal
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews