berberatoday.com
Qaadhaankii La Ururiyay Ma Noqon Doonaa Ciraaqq Keentaye Caydha Yaa Siin(Cabdiraxmaan-hiiraan)
May 22, 2017 - Written by Berbera Today

Qaadhaankii La Ururiyay Ma Noqon Doonaa Ciraaqq Keentaye Caydha Yaa Siin(Cabdiraxmaan-hiiraan)

Inkastoo ay dhib yar tahey Gudaha Somaliland sida had iyo jeer loo dawaro ama loo ururiyo Qaadhaan sal balaadhan oo lamid ah kii Xukuumaddu hada ku calaamadisey in ay Dadka abaaruhu saameeyeen lacag qaadhaan ah ugu ururiso 

Badelaada Xuska Maalinta Qaranimadda Somaliland ee 18ka May Xafladihii iyo Debaaldegii Guud ahaanba dalkoo dhan taas,oo uu habeenkii xaley ahaa iclaamiyay Wasiirka Wasaaradda Madaxtooyadu Maxamuud Xaashi Cabdi tirrada hordhaca ah ee kharashka kasoo xerooday Qaadhaankaa Loo Gurey Dadka ku caydhoobay abaarta.

Mar walba waxa isweydiin badani ka joogtaa haloo qaadhaamee yaa Gaadhsiin doona dadkii jilicsanaa ee caydhoobay islamarkaana, xooluhu kaga dhamaadeen abaartii adkeyd iyadoo hadalheynta ugu badani ku go,dneyd Gudidii loo magacaabay Gudida Taakuleynta abaaraha oo Mujtamaca ugu badan ee Reer Somaliland saluugsanaayeen sida ay ugudanyeen hawshaasi.

Arimaha wakhti xaadirkan sida weyn la isku dultaagayo waxa u horeeya nidaamka loo bilaabay lacagtan loo ururinayo Taakulada abaaraha oo ay maamulkeeda gacanta ku hayso Xukuumaddu waxa cad in aan habayaraatee loo abaarin Qorshe iyo nidaam loo maamuley haseyeeshee,mawduuceedu ku kooban yahey in lacag la urursado oo kaliya iyadoo aan xaqiiqdii aheyn in la dhaliilayo hadana marka la miisaamo wacdiga xilligan dalka ka taagan ee Sixir bararka iyo kor ukaca Maceeshada danyarta saamaysay lacagta la ururuyey ma Shiln somalilandbaa mise waa lacagtii khasnadaha gaarka ah loo sameystey(Accounts) ee Dollarka Mareykanka taasi,jawaabteedu ma foga oo waxa inoo sheegay Wasiirka Madaxtooyadda in lacagta xaley ay qabteen aheyd lacagta adag ee dollarka Mareykanka isagoo carabka ku dhuftey sadex milyan iyo dheeraad lacagtaas dollarka ah inkastoo aan ogeyn ay kujirto tii laga gurey Gobollada iyo Degmooyinka dalku.

Sikasta oo ay tahey,mar haddii ay hormooyinka qaadhaankaasi kusoo wada dhacey qasnadda Madaxtooyadda waxa mar walba isweydiintu ka joogtaa islamarkaana, loo wada fadhiyaa sidii loo gaadhsiin lahaa dadkii abaartaasi caydheysay ee ay ka dhamaadeen xoolihii oo wakhtigana qaarkood gaajo iyo guri madhan fadhiyaan iyadoo ay jireen qaadhaano hore loogu ururiyey abaarihii hore sidii Galbeedka eek al hore taas,oo bulshadu in badan kusoo celcelisey inaan marna laga sanqadhin Xisaab celinteedii iyadoo ay marka horeba qalad tahey,in kiishadda Madaxtooyadda oo kaliya lagu kobo in qaadhaankaasi ku dhaco maadaama Xukuumadda Madaxweyne Siilaanyo ay ceeb ku tahey wakhtigan kala guurka Wasiiradda iyo Agaasimayaasha Guud ee Golaha Xukuumadda oo maalin walba hadhinaya Xafiis kaliya oo kuyaala Gudaha Madaxtooyada iyadoo sababta ugu weyni tahey in Wasaaradaha dhamaantood miisaaniyadahoodii looga reebay boqolkiiba toban sidaa daraadeedna Xafiiskaas oo kaliya noqdey ka ugu saxmadda badan,aynu kusoo gunaandno lacagtii la ururiyay yaa gaadhsiin doona dadkii tabaaleysnaa ee loogu magic bixiyay Ciraaq keentaye Caydha Yaa Gaadhsiin.

 

Cabdiraxmaan Nuux Axmed(hiiraan)

Email:hiiraan2007@gmail.com

COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- ASKAR'S BLOG
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- durdurnews
- Farshaxan
- Gabileynews
- Gabiley24
- GabIleytoday
- Gamuur Trading Company
- Gardo
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- Murtimaal
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- Qodaalnews
- Qtlhost Website
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SalalNews
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- sooyaal
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews