berberatoday.com
Hargeysa”Wiil iyo Gabadh Laysu Diiday Sababo La Xidhiidha Hayb Soco Iyo Dhacdo Fool Xun Oo Ka Dhalatay Arinkaas
May 24, 2017 - Written by Berbera Today

Hargeysa(Berberatoday.com)-Magaalada Hargeysa waxa ka dhacday dhacdo aad u foolxun, taasi oo ah in gabadh iyo wiil is jeclaaday la isku diiday sababo la xidhiidha wiilka oo kasoo jeeday beesha Gabooye – sida ay sheegtay gabadha wiilka loo diiday.

Gabadha wiilka loo diiday ayaa markii ay qoyskoodu maqleen in ay doonayso ninkaas kasoo jeeda beesha Gabooye ayaa waxa ay sameeyeen in ay dal-dalaan gabadha isla markaana ay ku sameeyeen jidh-dil aad u xun.

“Waxaan xidhnaa sadex habeen iyo sadex maalmood, xadhig ayaana lugaha, gacmaha iyo qoortaba kaga xidhnaa, ninka midgaanka ah maxaad ka doonatay ayaa laygu sheegtay” ayay tidhi gabadha wiilka loo diiday.

Dhinaca kale, waxa arrintan ka hadlay salaadiinta iyo boqorada beelaha Gabooye.

“Annakoo islaam ah oo ashahaadanayna oo isku dhaqana oo isku dal ah waxa hablihiina naga xaaraantimeeyay gaaladana u fasaxay bal culimada Somaliland ama culimada Soomaaliduba bal arrintaas hanooga soo jawaabaan” sidaas waxa yidhi Boqorka Guud ee Beelaha Gabooye Boqor Axmed Ugaas Iimaan Warsame.

“intaas oo qadiyadood baa dhacday oo noocan oo kale ah, wax ka xumaaday oo ka damqaday oo ummadda uga digay maanu arag, culimo nadwo ka qabatay maanu arag, ciidan ka dhiidhiyay maanu arag, maxkamado ka dhiidhiyay maanu arag, dawlad ka dhiidhiyay maanu arag, cid ka dhiidhiday maanu arag” sidaas waxa yidhi Suldaan Daakir Xasan Khaliif

 

 

 

 

Berberatoday.com

COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- ASKAR'S BLOG
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- durdurnews
- Farshaxan
- Gabileynews
- Gabiley24
- GabIleytoday
- Gamuur Trading Company
- Gardo
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- Murtimaal
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- Qodaalnews
- Qtlhost Website
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SalalNews
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- sooyaal
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews