berberatoday.com
Siyaasiga Axmed Muumin Seed Oo Sheegay In WADDANI Looga Baxayo Guddoomiye CIRRO Oo Aan Go’aan Qaadasho Lahayd Awgeed
May 25, 2017 - Written by Berbera Today

“Saaxiibkay Cabdiraxmaan-Cirro waa Nin wanaagsan, laakiin waa Nin aan Go’aan Qaadasho lahayn….” Seed

Hargeysa(Berberatoday.com)-Siyaasiga Axmed Muumin Seed oo hore uga mid ahaa Xisbiga Mucaaradka ah ee WADDANI, imikana ka mid ah Saraakiisha Xisbul-xaakimka KULMIYE, ayaa fasiraad ka bixiyey Sababaha uu u maleynayo in Taageerayaal badan oo ka mid ahaa WADDANI uga baxeen Xisbigaasi.

wadAxmed Muumin Seed oo WADDANI ka baxay markii uu saluugay Doorashadii Musharraxa Madaxweyne ku-xigeenka WADDANI oo loo doortay Musharrax isaga kula tartamayey, ayaa sheegay in Sababta Taageerayaal ka mid ahaa WADDANI ay uga baxeen isla-markaana ugu biireen Xisbiga KULMIYE ay tahay Guddoomiyaha WADDANI Md. Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro) oo uu sheegay inaanu Go’aan Qaadasho lahayn.

Mr. Seed oo Shalay hadal ka jeediyey Xaflad uu Xisbiga KULMIYE ku soo dhaweeyay Taageerayaal ku soo biiray oo uu ka mid yahay Siyaasiga Xasan-xaydh, ayaa isagoo Arrimahaa ka hadlaya yidhi “Xisbigii WADDANI ee aan ka tirsnaaa Cidda ka soo baxaysaa waa Ciddii Mucaaradka ahayd ee Dhaliisha Xukuumadda tilmaamayey.”

Seed oo hadalkiisa sii wata, ayaa sheegay “Mucaaradkii Dawladda Mucaaradka ku ahaa ee Xisbiga WADDANI waxay dhammaantood ku soo hoobteen Xisbiga KULMIYE, taana waxa keenaya, Saaxiibkay Cabdiraxmaan-Cirro waa Nin wanaagsan, laakiin waa Nin aan Go’aan Qaadasho lahayn, markaa taasaa Dadka ka soo eryeysa.” Ayuu yidhi.

 

 

Berberatoday.com

COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- ASKAR'S BLOG
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- durdurnews
- Farshaxan
- Gabileynews
- Gabiley24
- GabIleytoday
- Gamuur Trading Company
- Gardo
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- Murtimaal
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- Qodaalnews
- Qtlhost Website
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SalalNews
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- sooyaal
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews