Wiil Dhallinyaro Ah Oo U Dhashay Dalka Masar Oo Si Fool Xun Loogu Dilay London !
May 25, 2017 - Written by Berbera Today
London(Berberatoday,com)-Wiil Dhallinyaro ahaa oo Da’diisuna aheyd 20 jir magaciisana la odhan jiray Xusaam Cali Cisa oo 14sanadood noloshiisa ka mid ah kusoo qaatay Dalka Talyaaniga kahor intii aanay isaga iyo Qoyskiisu usoo wareegin Dalka Britian sanadkii hore gaar ahaan Xaafada ku taala Bariga Magaalada London ee Dagenham ayaa waxa uu la kulmay arrin ay Saaxafada Dalka Talyaanigu qaadaa dhigtay oo aheyd in wiilkaasi uu ka shaqayn jiray mid ka mid ah hudheelada Magaalada London isla markaana isaga oo la socday Gabadh u doonanayd oo asal ahaan ka soo jeeda Dalka Bangaaladhesh Da’deeduna ay tahay 19 sano oo la yidhaahdo Salma Begun.