Waftigii Uu Hogaaminayay Xogahayaha Guud Ee Xisbiga Kulmiye Iyo Wasiiradii Ku Wehelinayay Oo Maanta Ka Dhoofay Findland Kuna Jihaysan
May 26, 2017 - Written by berberatoday berberatoday
Hargaisa:(Berberatoday.com) Waftigii uu hogaaminayay xoghaya guud ee xusbiga kulmiye kuna wehelinayeen xubnaha wasiirada xukumada xusbiga kulmiye ee madaxwayne sillanyo ayaa maanta ka anbabaxay Madaarka magaalada Helsinki-Vantaa iyagoo socdaal kan la mid ah kusii Mari doona Wadamo ay ka mid yihiin Sweden,Denmark,Holland iyo Wadamo Kale oo Yurub ah.

Xoghayaha Guud ee Xisbiga Kulmiye oo ka hadlay dareenkiisa intii uu Finland ku sugnaayeen Isaga iyo waftigaasi ayaa si weyn uga mahadceliyay sida qiimaha badan ee loogu soo dhaweeyay dalkan iyo sida loola shaqeeyayba isagoo hoosta ka xariiqay in loo midoobo Guusha Xisbiga Kulmiye, Sidoo Kale Wasiirka Cadaaladda Somaliland Mudane Ahmed Cadare iyo Wasiiru-dawleyaasha Beeraha iyo Degaanka ayaa iyaguna geestooda uga mahadceliyay soo dhaweynta ay kala kulmeen Xisbiga Kulmiye Laantiisa Finland.
Ugu dambayn Gudoomiyaha Guud ee Xisbiga Kulmiye Laantiisa Finalnd Mudane Ahmed Khaliif kalmado kooban oo uu halkaa ka yidhi ayaa si kal iyo laab ah ugu mahadceliyay waftiga
isagoo sheegay inay Muhiim u ahayd imaatinka waftigan culus sheegayna inay arrimo badan oo horumarka Xisbiga ah Kawada shaqeeyeen Mudadii ay lajoogeen waxaanu waftiga u rajeeyay inay nabad qab ku gaadhaan Dalka Sweden oo ay haatan ku sii jeedan isla markaana ay hawlihii ay u socdeen halkooda ka sii wadan doon.
Waftigan oo mudo kooban ku sugnaa qaar ka mida wadamada qaarada yurub ayaa ujeedada safarkoodu ahaa sidii ay bulshada reer somaliland ee ku dhaqan wadamadaasi ay ugala qayb-qaadan lahaayeen dabaal-dega munaasibada maalinta qaranimada somaliland ee 18may oo waftigaasi kula xafladeeyeen shacbigooda ku dhaqan wadamadaas ay booqashada ku joogeen. waftigan uu hor-kacayay xoghayaha guud ee xisbiga kulmiye Md, xasan siciid yuusuf kuna wehelinayeen xubnaha wasiirada ah ayaa maalmihii u danbeeyay kulano la yeeshay masuuliyiinta xusbiga kulmiye ee wadamadaa ay safarka ku marayeen iyagoo ka wada hadlayay sidii loo dardar galin lahaa hawlaha xisbiga maadamo xiligan xaadirka ah ay inagu soo fool leedahay doorashada madaxtooyada oo ku astaysan 13/11/2017ka oo haatan mudo koobani ka hadhay.
ugu danbayntii waftiga oo wali ku guda jira hawlihiisi shaqo ee safar hawleedkooda ka qaybta ahaa ayaa la filayaa inay so dhamaystiri doonan dhawaan hawlaha ay u kicitimeen isla markaana ay dib ugu soo laaban doonan dalka.