Qaramada Midoobay Oo Sheegtay Inaanay Wada Hadalada Hargeysa Iyo Muqdisho Furmayn, Ilaa Ay Qabsoonto Doorashada Madaxtooyada Somaliland
May 27, 2017 - Written by Berbera Today
Hargeysa(Berberatoday.com)-Qaramada Midoobay ayaa aaminsan inaanay wada hadalada Somaliland iyo Somaliya furmi karin, ilaa ay doorashada Somaliland ee madaxtooyadu qabsoonto bisha November ee sannadkan, waxaanay doonayaan inay wada hadalada bilaabmaan dawladda Madaxweyne Farmaajo iyo dawladda Somaliland ka dhalan doonta doorashada November, ka dib.

Ergayga Qaramada Midoobay u qaabilsan Somaliland iyo Somaliya danjire Michael Keating oo dhawaan khudbad ka jeediyay xarunta caalamiga ah ee Chatham House, ayaa sheegay inay madaxweynayaasha Somaliland iyo Somaliya ka go’antahay wada hadalada Somaliland iyo Somaliya, “Labadoodaba,