Bisha Barekaysan ee Ramadaan Jooji Qaadka, Sigaarka I.W.M Farhan Mohamed Sultan ( Rakad)
May 28, 2017 - Written by Berbera Today
Fursadaha laga helayo bisha ramadaanta Ramadaan kastaa waxay leedahay fursado aad u baddan oo aynu ognahay dambi dhaaf, iyo shaqaysiga Janooyinka Alle inoogu deeqay. Dad baddan oo walaalaheen ah ayaa leh balwado kala duwan hadday Qaad tahay, sigaar tahay, Badeecad tahay ama wax la mida oo ay inta baddan isticmaalaan. Dunidan aynu joogno waxa ugu qaalisan 3 shay oo nolosheena hadh u ah waxaanay kala yihiin. 1.Caafimaadka 2. Wakhtiga 3. Dhaqaalaha Sadexdaasi waa sadexda lagu kala tagey kolba sida looga faa’ideysto ama loo isticmaalo Sida aynu ognahay qaadka iyo balwadaha la midka ahi waxay cadaw ku yihiin oo ay la dagaalamaan sadexdaa shay ee nolosheena qaaliga ku ah , qaadku wuxuu baabiiyaa Dhaqaalaha , wuxuu lumiyaa wakhtiga , waxaanu wax yeeleeyaa caafimaadka. Dunida horu-martay waxay ka faa’ideysteen Sadexdaa shay ee aynu soo sheegnay, somalida inay faqiir noqdaan waxa u sabab ah waxay lumiyeen sadexda shayba kamanay faa’ideysan. Waxay wakhtigooda ku lumiyaan fadhiga qaadka halka yementu ku shaqayso, somalidii waxa dhaqaalahoodii ku lumiyeen cunista qaadka , dabadeedna siday u fadhiyeen ayaa waxa ku dhacay xanuuno kala duwan oo macaanka iyo kelyo xanuunku ka mid yahay, qofkuna hadduu xanuun ku dhaco waxa ku dhaca Awood daro, kalsooni daro, iyo wax-soosaar la’aan niyad jab watta. Haddaba sanadkasta oo aynu la kulano bisha barekaysan ee ramadaan Allena caafimaad inagu soo gaadhsiiyo waxay sabab u noqotaa in dad baddani joojiyaan balwadaha kala duwan ee ay lahaayeen , Sida qaadka iyo sigaarka I.w.m. Imika waa habeenkii labaad ee ramadaan waxaan walalkayga muslinka ka codsanayaa inuu joojiyo balwadkasta oo noockasta leh oo aad leedahay. Si aad noloshaada iyo mustaqbalkaagaba isbedel u dareentid , markasta oo aad qoraalkanoo kale aragtid waxaad haysataa nasiib ah baraarujin iyo inaad joojin kartid isla wakhtigaa aad akhrisatay. Mar labaad iyo mar sadexaadba waxaan leeyahay Qaadka iyo Sigaarka ha la joojiyo oo ha la raaciyo ramadaanta , sidaa looga soomay iskaga Daaya oo bishaa tijaabi dabadeedna qiimee dhaqaalahaagii, wakhtigaagii iyo caafimaadkaagiiba waxa iska baddalay. Waxaan aaminsan ahay haddii maskaxdaadu joogto, oo aad dareen iyo qiimeynba leedahay inaad joojin doontid qaad ama sigaar I.W.M. Bisha ramadaan waa bisha Aad fursad u heli kartid inaad joojisid qaadka iyo balwadaha kala duwan ee aad leedahay. Ku tijaabi inaad qaadka joojisid bisha ramadaan Qiimee dhaqaalahaagii Qiimee caafimaadkaagii Qiimee wakhtigii aad ku lumisay ee aad dadkiinii iyo familkiiba is waydeen. Akhri, Fikir, Qiimee , Go’aan Gaadh dabadeedna jooji oo Allle ugu mahadnaq Allena Bari inuu kaa daweeyo qaadka iyo wixii la mid ahba. Ramadaanta Alle ha inoogu dhameeyo Camal wanaagsam, caafimaad iyo dadkeenoo qaadka joojiyay.