berberatoday.com
Ku Dedaal Cammalada Wanaagsan ee Bisha Ramadaan Qur’aan Akhriska
May 29, 2017 - Written by Berbera Today

Qur’aan Akhriska

Illaahay SW wuxuu yidhi “Kuwa kitaabka Alle akhriyaya, Sallaadana oogaya, oo bixinaya wixii aanu ku arsaaqney, si muuqata iyo si qarsoonba, waxay rajaynayaan Ganacsi aan khasaarayn, wuxuu u oofin doonaa abaal marintooda, wuxuu ugu kordhin doonaa Deeqdiisa, Isagu waa Denbi dhaafe shukrin badan”.

Qur’aanka oo la akhriyo Bisha Ramadaan waxay ka mid tahay ka tegin Bisha Cammalada fadliga badan ee aanu Nebigu SCW gudaheeda, waxa dhici jirtey inuu Qur’aanka la subciyo Malaku Jibriil, Bil Ramadaan oo kasta, Sannadkii uu geeriyoon doono Laba jeer ayuu Malaku Jibriil Qur’aanka la subciyey, sida Xadiiskani inoo sheegayo: Ramadaan, ilaa ay baxdo, wuxuu Nebiga SCW u bandhigi jirey Qur’aanka”. Qur’aanka ayey wada daraasayn jireen, Bisha Ramadaan maadaama ay tahay Bishii uu Qur’aanku soo degey. Qur’aanka akhriskiisa iyo daraasadiisa si gaar ah ayaa fadli loogu sheegay, fadligaa waxa ka mid ah:“Qofka Xaraf kitaabka Illaahay ka mida akhriya, wuxuu ku helayaa Xasanaad, halka Xasano wuxuu la mid yahay Toban kale, odhan maayo “Alif laamiim” waa Xaraf, hase yeeshee Alifku waa Xaraf, Laamku waa Xaraf Miimkuna waa Xaraf”. yidhi: Waxa kale oo Nebigu SCW “Abuu Dar ayaa yidhi : Waxaan idhi Rasuul Allow Ii dardaaran, wuxuu yidhi: Cabsida alle ayaan kugu ogahay, Arrimaha oo dhan isagaa madax u ah, waxaan ku idhi: ii kordhi, wuxuu yidhi: Qur’aanka akhrintiisa ogow, wuxuu kuu yahay Nuur Dhulka oogadiisa, wuxuu kuu yahay kayd xaga Samada”. Sida Xadiisku inoo tilmaamayo Qur’aanka akhrintiisu waxay tahay Nuur dhulka oogadiisa intaad joogto, Nuurkaa oo kaa leexinaya wixii mugdi ah iyo wixii baadil ah & wixii denbi ah, wuxuu kale oo yahay kayd kuu yaala jannada.Qofka Qur’aanka barta ee ku camal fala wuxuu Illaahay agtiisa ku leeyahay sharaf iyo karaamayn weyn, wakhtiga uu Illaahay la kulmo Qiyaamaha, Qur’aankuna wuxuu u yahay afhayeen aan la diidayn wuxuu codsado, sidaa waxa inoo tilmaamaya daliilkan hoos ku qoran: “Waxa la keenayaa Qiyaamaha Qofkii Qur’aanka yiqiin, Qur’aanka ayaa odhanaya: Rabbiyow, Wax huwi (arrad tir), Waxa la huwinayaa Taajkii Sharafta, Qur’aankii ayaa odhanaya: u kordhi, markaasaa la huwinayaa iskujoogii sharafta, markaasuu odhanyaa Rabbiyow ka raalli noqo, markaasaa Illaahay ka raalli noqonayaa, waxa lagu odhanayaa akhri [Qur’aanka] oo jannada fuul, Aayad kastana waxa loogu sii kordhinayaa wanaag, ilaa uu jannada ka dego halka Aayada ugu danbaysa kaga dhamaato”.

Arrintani waxay ina tusaysaa in dadku jannada ugu kala sareeyaan hadba inta ay Qur’aan korka ka yaqaaniin, Illaahay ha inoo sugo Qur’aanka xiftintiisa. Xadiisku waxa kale oo uu inoo tilmaamayaa qiimaha iyo sharafta uu helayo Qofka Qur’aanka yaqaan ee akhriyaa, wuxuuna ku muttaysanayaa in Illaahay ka raalli noqdo haddii Illaahay ka raalli noqdona waa abaal marinaha ugu saraysa ee jannada laga helo.

Qur’aanka iyo Abaal marinaha laga helo kuma gaar aha Qofka Qur’aanka bartay inay anfacaan keliya, laakiin xattaa wuxuu u gudbayaa qaraabadii Qofka Qur’aanka bartay, gaar ahaan waalidka Qofka Qur’aanka baray, waa la sharifayaa sida uu inoo sheegay Rasuulkeenu, wuxuuna yidhi: “Qofka Qur’aanka akhriya ee barta, ee ku camal falla, waalidkiisa Qiyaamaha waxa loo xidhayaa Taaj Nuur ah, ilayskiisu sida cadceeda yahay, waalidkii waxa la huwinayaa laba iskujoog oo aan Adduunkii lagu arkin, waxay odhanayaan [waalidkii] maxaanu ku muttaysanay arrintan? Waxa loogu jawaabayaa: waa Qur’aankii ubadkiinu yiqiin”. Haddaba Qur’aanka Qofkii bartay intuu fadligiisii dhaafay ayuu qaraabadiisii gaadhey, sida labada waalid oo lagu sharfay sharaftii ilmahoodii Qur’aanka bartay. Fadliga Qofka Qur’aanka barta waxa ka mid ah in aanu asaasiqin ee caqligiisa Illaahay u illaaliyo, sidaa waxa inoo sheegay Suubanaha, wuxuu yidhi:“Qofka Qur’aanka akhriya, ma asaasaqo, sida Aayadu tidhi: “waxaanu u celin doonaa Hoosaynta kuwa ugu hooseeya, kuwii rumeeyey moooyaane”, waa kuwii Qur’aanka akhriyey”. Sida Xadiisku inoo tilmaamayo Qofka Qur’aanka akhriya ee bartaa ma asaasaqo ee Illaahay ayaa inta uu nool yahay caqligiisa u illaaliyey, laakiin waa kii kitaabka Illaahay intuu bartay ku camal falay xuduudiisa ee ku dul sugnaaday, waxa uu ina farayo. Haddaba Bisha Ramadaan dhamaan camalada wanaagsan ee la sameeyaa waxay leeyihiin qiime dheeraad ah, weliba Qur’aanka oo la akhriyo sida aan daliilka kor ku xusan oo dhami inoo sheegayo.

Ku Camal falka Qur’aanka

Qur’aanka oo la akhriyo oo keliya arrintu maaha, ee waxa la socda akhrin kale oo macnaheedu yahay inaad camal ahaan u akhrido oo uu kaa muuqdo dhaqankii Qur’aanku tilmaamayey, waa inaad Qalbiga ka rumaysan tahay xubnahana kaga camal fashaa.

Haddaba, Qur’aanka marka aan lagu camal falin waxay leedahay, ciqaab daran oo xaga Illaahay ka timaada sida ay inoo sheegtay Diinteena suubani, waxa Nebigu SCW yidhi: “Quraanku Wuu kuu doodayaa ama waa ku dacwaynayaa”. Qofkii rumeeyey ee ku Camal falay wuu u doodayaa, kii ka tegeyna wuu dacwaynayaa. Wuxuu kale oo Nebigu SCW yidhi:“Qur’aanku waa Ergo, la aqbalayo [shafeece, shafeeco qaadaya], waa Doode (Af-hayeen) la rumaysanayo, Qofkii hortiisa dhiga, wuxuu u hoggaaminayaa Jannada, kii dhabarka ujeediyana wuxuu ku arroorinayaa Naarta”.

Qofkii Qur’aanka bartay waa in aanu Kitaab xoor noqon si uu uga badbaado goodiyada iyo hanjabaada culculus ee loo ballan qaaday, Qofkii Kitaab xoor noqda, Nebiga SCW ayaa ku callaacalay in qoomkiisii kitaabkii xooreen oo ka hijroodeen Qur’aankii, sida aayadani inoo iftiiminayso: “Rasuulkii [Muxamad] SCW wuxuu yidhi: Rabiyoow Qolladaydii Qur’aankii way ka tageen [Haajiren]. Sh. Muxamad Amiin Al-Shinqiidi ayaa yidhi: “Nebigu SCW wuxuu Illaahay uga ashkatooday qolladiisii Quraysh oo Qur’aankii ka tegey, rumayntiisii iyo ku camal falkiisiiba, Cabashadani waa mid weyn, waxay cabsiin u tahay Qofkii Qur’aanka ka fogaada, kaasoo ku camal fali waaya, Xallaashiisa iyo Xaaraantiisaba, adaabtiisa iyo karaamadiisa, oo weliba rumayn waaya wixii caqiido uu ka waramayo, kaasoo ku cibro qaadan waaya wixii uu diidmo ka muujiyey [Qur’aanku] iyo wixii uu ka qisooday intaba”. [Adwaa ulbayaan, tafsiirka aayada 30 ee Furqaan].

Haddaba, Qur’aanka oo laga tago dhawr weji ayey leedahay, waxa ka mid ah in aad rumayn waydid, inaad akhriyi waydid, inaad macnahiisa iyo ujeedadiisa aad dhuuxi waydid, inaad isku daawayn waydid, sidaa waxa faahfaahin ka qoray Caalimka weyn ee Ibnu Qayim wuxuu yidhi: “Qur’aanka oo laga tagaa [haajiraa] waa dhawr nooc:

1.In laga tago dhegaysigiisa iyo rumayntiisa [akhrintiisu dhegaysiga ayey ka mid tahay]

2.In laga tago ku dhaqankiisa iyo in Xallaashiisa iyo Xaaraamtiisa aad is dul taagto, haddii aad doonto aad akhridid’e.

3.Inaad ka tagto Xukun ka dhigashadiisa iyo u xukun doonashadiisa.

4.In aad ka tagto dhuuxida macnihiisa iyo ujeedadiisa.

5.Inaad ka tagto isku daawayntiisa iyo shifo ka doonkiisa, [waayo Illaahay ayaa shifo iyo Caafimaad ku sheegay] dhammaan qaybahani waxay soo hoos gelayaan haajirista Aayadu sheegtay [Aayada kor ku xusan eeAl- furqaan 30] in kastoo ay sii kala sahlan yihiin. [Sheekhu wuu sii waday hadal dheerna wuu ka yidhi arrintan dib u akhriso haddii aad doonto [ kitaabka al- fawa’id juska 1aad, bogga 82, madbacda, daarul kutub al-cilmiya, daabacada 1973].

Haddaba, walaal ku dadaal Bishan gudaheeda inaad Qur’aan badan ku sii rararto, mana soo noqonayo Ramadaankii ku dhaafaa ilaa Qiyaamaha oo aad ka heli doonto wixii Saad ah ee aad u sii dhiibatay.

Qur’aanka oo la khatimo Bisha Ramadaan

Hore ayaan u soo sheegnay in Nebiga SCW  iyo Jibriil Bisha Ramadaan Qur’aanka subcin jireen, haddaba iyadoo inoo ah tusaale fiican oo ku dayasho mudan, haddana bal aan wax ka tilmaano sidii kuwii inaga horreeyey ee khayrka tusaalaha inoogu ahaa ay Qur’aanka u akhriyi jireen.

Waxa Nebiga SCW Axaadiis kaga soo arooray inuu diidey in Qur’aanka lagu akhriyo wax ka yar Saddex Cisho.

“Cabdulaahi bin Camar ayaa yidhi: “Rasuulku wuxuu I amray in aanan Qur’aanka ku akhriyin muddo ka yar Saddex [Habeen].” Riwaayad Abuu Dawuud weriyey wuxuu yidhi; “ Ma fahmayo [Qur’aanka] Qofkii ku akhriya Saddex ka yar”. Laakiin Culimadu waxay yidhaahdeen taasi waa Qofka caado ka dhigta inuu Qur’aanka mar kastaba Saddex Habeen ka yar ku akhriyo, laakiin haddii ay jiraan munaasabado khayrku badan yahay, iyo Goobo Ajri fara badan laga helayo waxa bannaan in lagu akhriyi karo Qur’aanka intaa in ka yar. Waxa kale oo suura gal ah ama ay u dhowdahayba in Qofka loo diidayaa inuu saddex Habeen ka yar Qur’aanka ku akhriyo inuu yahay Qofka aan macnihiisii fahmeyn, sida Xadiiska Riwaayada Abuu Dawuud ku cad, laakiin haddii uu Qofku hore Qur’aanka u daraaseeyey wax badan oo tafsiirkiisa ahna uu is dul taagey, way u bannaan tahay inuu Saddexdaa ka yar ku akhriryi karo.

Sidaa daraadeed ayaa Culimo badan oo Selefkii ka mid ah laga sheegay inay Qur’aanka ku akhri jireen Bisha Ramadaan intaa in ka yar, tusaale: Khaliifkii Saddexaad ee Muslimiinta Cuthman Bin Cafaan: Wuxuu ahaa mid Habeenkii odhan dadaala oo tukada, ilaa la sheegay inuu Qur’aanka oo dhan Habeenkii hal Rakcad ku tukan jirey. [Taariikhda Madiina ee Ibn shayba].

Mujaahid wuxuu Qur’aanka ku khatimi jirey inta Maqribka iyo Cishaa’iga u dhaxaysa [eeg Muqadamada Tafsiirka ee lbn kathiir]. [Atibyaan adaabu Xamalatul Qur’aan ee Nawawi]. Cali Al-azdi Bisha Ramadaan wuxuu Qur’aanka khatimi jirey Habeen kasta. [eeg Muqadama Tafsiirka ee IBn kathiir]. Warqaa ayaa yidhi :Saciid Bin Jubeyr Bisha Ramadaan wuxuu Qur’aanka khatimi jirey inta Maqribka iyo Cishaha u dhaxaysa [Sallaada Cishaha ayey dib u dhigi jireen] [eeg kitaabka xiilatu awliyaa juska 4, bogga 273]. Rabiic Bin Sulaymaan ayaa yidhi: Imaamu Shaafici Bisha Ramadaan wuxuu Qur’aanka khatimi jirey Lixdan jeer, Sallaada Taraawiixda dhexdeeda. [eeg xiilatu awliyaa jiska 9 bogga 134]. Taabiciga Qattaada wuxuu Qur’aanka ku khatimi jirey Hal Asbuuc, markay Ramadaan soo gasho wuxuu ku khatimi jirey, Saddex Habeen, marka Tobanka danbe ee Ramadaan yimaado wuxuu ku khatimi jirey Habeen kasta. Saxaabiga Ubaya Bin Kacab wuxuu Qur’aanka ku khatimi jirey Sideedii Habeenba hal mar. [eeg Muqadamada Tafsiirka ee Ibn kathiir]. Taabiciga Ibraahim Anakhaci ayaa yidhi: Calqama wuxuu Qur’aanka ku khatimi jirey Shan [Habeen]. [ eeg fadliga Qur’aanka ee Faryaabi].

Kuwaasi waa Culimadii Selefka ee ku dayashada mudnaa, waxay tusaale nool inoogu yihiin Qur’aanka akhriskiisa Bisha Ramadaan. Habeenkii in Qur’aanka lagu soo jeedo ayaa ka fadli badan Maalintii, waxaan taa ka qaadan karnaa in Jibriil Nebiga SCW Habeenkii Qur’aanka la subcin jirey, waxa kale oo jira in Qur’aanku odhan doono marka uu Saaxiibkii u doodayo ‘Rabiyow waxaan ka celiyey Hurdadii Habeenkii ee iiga ergo aqbal”.

COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- ASKAR'S BLOG
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- durdurnews
- Farshaxan
- Gabileynews
- Gabiley24
- GabIleytoday
- Gamuur Trading Company
- Gardo
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- Murtimaal
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- Qodaalnews
- Qtlhost Website
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SalalNews
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- sooyaal
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews