berberatoday.com
Raasigii Berbera Oo Ay Kujirto Xaruntii Idaacada BBC-da Oo La Baloodhaystay,Biyihii Bada Oo Cabudhay Markii Ciid Iyo Dhagax Laga Buuxiyay Goobtii Ay Badu Ku Nafisi Jirtay Iyo Halista Ka Dhalan Karta Bada Oo Fatahda+Daawo Sawirada
May 30, 2017 - Written by Berbera Today

Waa Nasiib daro In La baloodhaysto Raasigii Berbera Ee Xayndaaka u Ahaa Dekada Berbera Baduna ku Nafisi Jirtay”

Berbera(Berberatoday.com)-Raasiga Berbera waa Qoor Dabiici Ah oo Illaahay Xayndaab Uga Dhigay Bugcada Ay Ku Taalo Dekada Caalamiga Ah ee Berbera,

Maalmihii U Danbeeyay Waxaa la Arkayay Iyadoo la Buuxinayo Badii Deganayd Ee u Dhaxaysay Raasiga iyo Dekada Berbera, Waxaan Muuqata In Aan Siwayn Daraasad Loogu Samayn waxa Dhci Kara Hadii La Buuxiyo Badaa ,

Oo Marna Soo Buuxsanta Marna Dib u Caarida kuna nafista goobtaas la buuxinayo ee dhismayaasha laga samaysanayo,

Raga Aqoonta Dheer u Leh Dekadaha iyo Bada La Buuxiyo Ee Xiligan Ku Sugan Berbera Ayaa Ka Walaacsan Xaaladan Cusub Ee Kusoo Koradhay Raasiga Berbera oo Ah Xayndaab Ka Difaaca Dekada Berbera Mawjadaha Xoogan Ee Bada Ka Dhaca Inta Badana Qooriga Dekada Berbera Wuu Degan Yahay,

Waxaase Nasiib Daro Ah In la baloodhaysanayo Raasigii Berbera oo La Qaybsaday oo Badiina La Buuxinayo, Waxaana   ka Dhalan Kara Cawaaqib Xun Sida Uu Sheegay Ninka Ugu Khibrada Badan Uguna Da Wayn Bayloodada Maraakiibta Soo Xidha Ee Dekada Berbera Yuusuf Shaysa Sidoo kale Waxa isaguna Ka hadlay oo arin halisteeda leh ku tilmaamay bada Raasiga Berbera ee La buuxinayo Xuseen Axmed Khayre oo ah Engneer Milatari dhinaca Bada ah oo hadana Macalin ka ah Jaamacada Culuumta Bada ee Berbera,

Badu Xiliyada Ay Soo Buuxsanto waxay Ku Nefistaa Dhulkaa Balaadhan Ee Raasiga Ka Sokeeya Laakiin Hadii Cidhiidhi Lagu Sameeyo Dariiq Kale Ayaay Furataa, Waxaana halis  Ah In Badu Soo Gasho Qaybo Kamida Berbera, Sidaa Waxaa Ku Tiraabay Khabiir Bada Ah oo Jeclaysan In Magaciisa La Sheego Xiligan

Boqolaall Iska Rogooyin Ah Ayaa Buuxinaya Bada u Dhaxaysa Raasiga iyo Dekada Berbera Xataa Waxaa Bur Buray wadadii Ruushku Dhisay Ee Tagi Jirtay Illaa Daartii BBC du Lahayd Ee Qarnigii Hore Badhtamihiisii Laga Dhisay Qaybta Dhexe Ee Raasiga daartaas oo kamida goobaha la qorsheeyay in la baloodhaysto.

Hadaba Isku Wada Duuboo Dadwaynaha Berbera Ayaa walaac badan Iyaguna ka Muujinaya Badan La Buuxinayo Ee halista Galin Karta magaalada Berbera,

Wararka la Helayo Ayaan Tibaaxaya In Ogalaanshaha Bixinta Raasiga berbera uu Masuul Ka yahay Wasiirka Hawlaha Guud iyo Guryayabta Somaliland Cali Mareexaan, Waayo Dhulka raasiga waxaa Illaalin jirtay Dekada Berbera oo Masuul ka Ahayd waxaana la boobay markii xilka laga Qaaday maareyihii hore ee Dekeda Berbera Eng, Cali Xoorxor oo ahaa dawlad yaqaan hantida qaranka ilaalin jiray ,

Goobaha La Doonayo In La Buuxiyo ee Waliba La sheegayo inuu Qaatay Wiilka Madaxweyne Siilanyo Sodoga Uyahay ee Baashe Morgan ayaa waxa kamida Xaruntii Idaacada BBC0du ku lahayd Raasiga Berbera oo ay ka dhisan yihiin dhismayaal Qadiimiya islamarkaana ay hada dagan yihiin Ciidamada Qaranka Somaliland qeyb kamida oo ilaalo ka ah aaga xeebta bada ku teedsan ee bariga;

Goobahan la wada dhisanaayo ayaa waxa la sheegay inuu soo bixiyay Wasiir Cali Mareexaanka Hawlaha Guud iyo Wasiirka Madaxtooyada Maxamud Xaashi iyaga oo qeyb kamidana dhulkaas iyagu qaatay sharciyona usamaystay.

La Soco warka oo Video Ah waqti Dhow

Berberatoday.com

COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- ASKAR'S BLOG
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- durdurnews
- Farshaxan
- Gabileynews
- Gabiley24
- GabIleytoday
- Gamuur Trading Company
- Gardo
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- Murtimaal
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- Qodaalnews
- Qtlhost Website
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SalalNews
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- sooyaal
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews