Maxaabiista Xabsiyada Somaliland Kujira Oo La Ogaaday Inay Isticmaalaan Facebook Iyo Twitter Iyo Wasaarada Cadalada Oo Ka Hadashay
May 31, 2017 - Written by Berbera Today
Hargeysa(Berberatoday.com)-Wasaarada cadaalada Somaliland ayaa daboolka ka qaaday inay raadinayaan nidaam Tignoolajiyadeed oo ay xabsiyada dalka kaga joojiyaan isticmaalka shabkadaha bulshadu ku xidhiidho ee Facebook iyo Twitterka oo aad ay maxaabiistu u isticmaalaan.

Wasiiru dawlaha wasarada cadaalada Khadar Axmed Diiriye ayaa ka dhawaajiyay in wakhtigan ay aad u dareemayaan isticmaalada barkulanadan bulshada iyada oo maxaabiistu ay isticmaalayaan moobilo qaab qarsoodi ah loogu geeyay oo Internat leh, waxa uu wasiirudawlahu sheegay inay ku dadaalayaan inay arintaas joojiyaan.