Maxkamad Shalay La Soo Taagay Musharrax Madaxweyne Oo Ku Eedaysan Inuu Isku Dayey Inuu Is-dilo
May 31, 2017 - Written by Berbera Today
Nairobi(Berberatoday.com)-Peter Gichira oo ka mid ah Musharaxiinta doonaysay in ay ka qeybgasho doorashada Madaxweyne ee dalka Kenya, ayaa la soo taagay Shalay maxkamad iyadoo lagu soo eedeeyay in uu doonayay inuu is dilo, kadib markii uu ku guul-dareystey in uu soo buuxiyo shuruudaha uu kaga mid noqon lahaa Musharraxiinta sida rasmiga ah ugu tartamaysa doorashada Madaxweynaha dalka Kenya.
Peter Gichira ayaa beeniyay eedeymaha loo soo jeediyay ee ahaa inuu isku dayay inuu iska soo tuuro dabaqa lixaad ee dhismaha guddiga doorashada dalka Kenya, waxaana lagu soo daayay damiin.