Soonka Iyo Sixada”Cunista Badan Ee Hilibka Xooluhu Waxa Ay Keeni Kartaa Wadne Xanuun, Kansark Iyo Macaan Xiliga Ramadaanta
May 31, 2017 - Written by Berbera Today
Washington(Berberatoday.com)-Cilmibaadhis cusub oo lagu sameeyey dalka Maraykanka ayaa daahfurtay in hilibka xoolaha oo cunistiisa la isku badiyaa ay kor u qaado khatarta ah in qofka ay ku dhacaan siddeed cudur oo dilaa ah.
Haddaba, maadaama oo xilliga soonka ay dad badan caado u leeyihiin in ay habeenkii cunaan cuntooyin badan oo uu ku jiro hilib xoolaad oo noocyo kala duwan u samaysan, qormadan caafimaad oo uu Geeska Afrika ka soo xigtay shabakadda Al-Carabiya waxa aynu ku soo qaadanaynaa khatarta caafimaad darro ee ku ladhan cunista badan ee hilibka.