Xukuumadda Oo Sheegtay Inay Heshay Jidkii Lagu Walaalayn Lahaa Beelaha Koonfurta Sool, Ka Dib 66 Oday Oo Laascaanood La Isku Hor-fadhiisiyey
May 31, 2017 - Written by Berbera Today
Laascaanood(Berberatoday.com)-Xukuumadda Somaliland, ayaa dedaal ugu jirta sidii loo soo Af-jari lahaa Colaadda muddada dheer u dhaxaysay Labada Beelood ee Bahararsame iyo Qayaad (Dhulbahante), kuwaasi oo Laba Bilood ka hor Xukuumaddu Colaaddooda ka soo saartay Go’aamo wax lagaga qabanayo.
Wasiirrada Wasaaradaha Gaashaandhigga Axmed Xaaji Cali Cadami, Arrimaha gudaha Yaasiin Xaaji Maxamuud Xiir (Faratoon) iyo Wasiiru-dawlaha Wasaaradda Madaxtooyada Maxamed Muuse Abees oo ku sugan Magaalada Laascaanood, ayaa faahfaahin ka bixiyey Wada-hadallo ay 66 Xubnood oo labada Beelood ka kala socda uga fureen Magaalada Laascaanood, kuwaasi oo la doonayo inay Xal kama dambays ah ka gaadhaan Colaadda labada Beelood.