berberatoday.com
Dhakhtar Daaweeyey 750,000 Oo Qof Oo Abaalmarin Caalami Ah La Gudoonsiiyey
June 1, 2017 - Written by Berbera Today

Hargeysa(Berberatoday.com)-Dhakhtar keligiii qalliino u sameeyey 750,000 oo qof oo ku nool Sudan ayaa lagu sharfay abaal marin caalami ah.

dhikhtar

Dr Tom Catena, oo 53 sano jir ka soo jeeda New York wuxuu ka tirsan kaniisad madhabka Katooliga ee Kirishtaanka, waxaa gudoomay abaalmarinta bini’aadamtinimada ee the Aurora Prize for Awakening Humanity.

Wuxuu ka shaqeynayey Sudan in ka badan 10 sano , intii ay socdeen dagaalada u dhaxeeya ciidamada dawlada iyo kuwa mucaaradka.

Khudbadiisa wuxuu ugu baaqay bulshada caalamka inay gacan ka gaystaan xal u helida xayiraada lagug hayo gargaarka bini’aadamnimo.

 

Dr Catena waa dhakhtarka kaliya ee ka shaqeeya buuraleyda Nuba, halkaasi oo ay ku dagaalamayaan ciidamadda Dowladda Madaxweyne Cumar Xasan Al-Bashir iyo xoogaga mucaaradka ee jabhada SPLM-N.

Waxaa lagu amaanay in uu ku shaqeeyey dhibaatooyin ay sababeen ku shaaqeynta qalab duugoobay iyo iyadoo qalab qaarkii aanu haysan xarunta caafimaadka ee He Mother of Mercy Catholic Hospital oo ku taal Nuba, halkaasi oo uu ku daaweeyey dhibanayaan qaba dhaawacyo bambooyin.

dhdhdh

“Dawladda Suudaan waxay ku lug leedahay khilaafka kala dhaxeeya mucaaradka kaasi oo ku aadan kan qaybinaya gargaarka” ayuu yiri Dr Catena said.

“Waa inaynu xoogaa isgalinaa dareen.”

Dr Catena wuxuu u sheegay dadkii xaflada abaalmarinta ka soo qayb galay in dawladu ay doonayso inay maamusho gudbinta gargaarka.

“Mucaaradka ayaa aamisan in daawooyinka ay dawlada qaybinayso ay haweenkooda madhalays ka dhigayso, isla markaana waxay doonayaan in ay ka helaan daawooyin deeq bixiyeyaasha reer Galbeedka ayna soo marsiiyaan dalka dariska ah ee Suudaanta Koonfureed” ayuu yiri Dr Catena.

Wuxuu ka hawlgalyey Sudan tan iyo sanadkii 2007-dii, isagoo daaweeyey dad qaba dhaawacyo xabbad, goynta xubnaha iyo umulinta haweenka.

Dhakhtarka ayaa waxaa abaalmarinta gudoonsiiyey jilaaga George Clooney, kaasi oo yiri “Dhamaanteen waxaan leenahay masuuliyad aynu xal ugu raadino dhibaatooyinka aduunka. Waana masuuliyad mid kasta oo innaga mid ah shakhsiyan inoo saaran”.

 

Abaalmarinta waxaa kale oo finalka yimid dhakhtar ilkaha oo qaliinkiisii ugu horreeyey ku fuliyey dhibane dagaalada Suuriya, waxaana uu kula wadaagay sawirada bukaanka dhakhaariirta aduunka baraha bulshada.

Muxamed Darwish, oo 26 sano jir ah wuxuu ka mid ahaa sadex oo kaliya oo ku haray magaalada Madaya, oo ku jirta go’doon.

 

Fartuun Aadan, oo ah gabar Soomaaliyeed oo u dhaqdhaqaada xuquuqda Aadanaha oo degan Muqdisho ayaa ka mid ahayd sidoo kale dadka abaalmarinta loo sharaxay.

Faruun saygeedii waxaa la dilay qabqabalayaashii dagaalka sanadkii 1996-kii, wixii xilligaas ka dambeeyey waxay ka shaqeynaysay dhaqan celinta ilmaha yar yar ee dagaalada loo adeegsado askar ahaan.Waxay kaloo aasaastay magaalada Muqdisho xarun lagu taageero dhibanayaasha kufsiga.

Jamila Afghani oo Kabul ka timid ayaa sidoo kale abaalmarinta loo sharaxay waxay kala shaqeysaa culima’udiinka xuquuqda haweenka.

Waxay tiri: “Marka aad haweenay waxbarto waxay la mid tahay adigoo qoyska oo dhan waxbaray. Waxay bartaan waa la wadaaga”

Dhinaca kale Dr Denis Mukwege, oo ka yimid Jamhuuriyada Dimuqraadiga ee Congo wuxuu caawiyey oo uu xannaano u fidiyey in ka badan 50 kun oo qof loo gaystay tacadiyo galmo, wadankaasi oo lagu magacaabay caasimada kufsiga aduunka

 

 

 

Berberatoday.com

COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- ASKAR'S BLOG
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- durdurnews
- Farshaxan
- Gabileynews
- Gabiley24
- GabIleytoday
- Gamuur Trading Company
- Gardo
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- Murtimaal
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- Qodaalnews
- Qtlhost Website
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SalalNews
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- sooyaal
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews