Siro Kashifay 17 Guri Oo Ku Yaal Xaafada Shacabka Hargaysa Oo Ay Xaraashayso Xukuumada Galabjoogta Ah Ee Madaxwayne Siilaanyo+Dadka Ku Jira Oo Loo Digay
June 2, 2017 - Written by Berbera Today
Hargaysa(Berberatoday.com)-Ilo xogogaal ah oo ka agdhaw aqalka madaxtooyada iyo wasaarada hawlaha guud iyo guriyaynta Somaliland ayaa ka shifay in todobaadyada inagu soo fool leh ay xukuumadu qorshasay in alaabta dibada loo dhigo dadka danyarta ah ee kujira 17 guri oo ka mid ah guryaha dawlada ee ku yaala xaafada shacabka ee magaalada Hargaysa,waxaanay guryahani ka mid yihiin meelaha danta guud ee ugu qaalisan magaalada Hargaysa kuwaasi oo xukuumadu damacsan tahay in ay carabka sii mariso mudada yar ee uga hadhsan mudo xileedka ay hore ugu kordhiyeen golaha guurtidu xukuumada.
Guryahan ay xukuumadu xaraashaso ayaa ay xogahani tibaaxayaan in ay ka mid yihiin gurigii uu gali jiray gudoomiyihii hore ee bangiga Somaliland Marxuum C/raxmaan Ducaale,qaar ka mid ah guryaha ku teedsan hotelka Lake Asal ee xaafada Shacabka iyo guryo kale oo ka mid xaafada shacabka.