|
berberatoday.com
Idaacada BBC-da Laanteeda Afka Somaliga Waxay Raadineysaa Gabadha Ugu Gabayga Fiican
June 4, 2017 - Written by Berbera TodayBBC Soomaali waxay raadineysaa gabadha ugu gabayga fiican
BBC Somali waxay maanta soo bandhigeysaa tartankeedii ugu horreeyey ee abaalmarinta gabeyada ay tiriyaan gabdhaha da’ yarta ah.
Tartankani wuxuu u furan yahay gabdhaha da’doodu u dhaxayso 16 ilaa 35 jir iyada oo aan lagu xirayn khibrad iyo meesha ay joogaan toona.
Tartanka waxa lagu galayaa gabey Af Soomaali ah oo qofku tiriyey ama isagu curiyay. Waana inuusan ka badan 15 sadar, marka la duubana ilaa iyo hal daqiiqo. Garsoorayaal ayaa dooraya qofka guuleysta iyo labada ku xigaba, waxay eegi doonaan tayada afka iyo inuu waafaqsan yahay shuruudaha gabayada iyada oo la eegi doono miisaanka, ereyada iyo qaafiyadda. Tartanku wuu furan yahay wixii maanta laga billaabo, wuxuuna xidhmayaa 15ka Juun 2017.
Fadlan, codsigaaga waxaad ku soo diri kartaa emailka ah tartanka.gabayga@bbc.co.uk. Faafaahin dheeraad ah waxaad ka heli kartaabbcsomali.com
Caroline Karobia, Tifaftiraha Laanta Soomaaliga, waxay tiri: “Waxaan ku faraxsanahay in dhegeystayaasheena aan u soo gudbino codadkan iyo gabayadan cusub. Taariikhda haweenka Soomaaliyeed waxaa lagu yaqaanaa hal-abuurka iyo doorka hoggaamineed ee ay ku leeyihiin cayaaraha hiddaha iyo dhaqanka. Tartankan cusub wuxuu iftiimin doonaa dhaqanka gabayada ee haweenka Soomaaliyeed, wuxuunu siin doonaa fursad ay ku soo bandhigaan hal abuurkooda.”
Gabadha ku guuleysata Tartanka Abaalmarinta Gabayga Hablaha Da’da yar ee BBC-da iyo labada gabdhood ee ku xiga waxa lagu shaacin doonaa Dabaaldegga Sanad guurada 60 aad ee Laanta Af-Soomaaliga ee BBC oo lagu qaban doono Hargeysa 18ka July 2017.
Qaabka aad uga qayb geli karto iyo shuruudaha waxay ku xusan yihiin bbcsomali.com
BBC Soomaali waxay ka mid tahay qeybta caalamka la hadasho ee BBC World Service , waana idaacadda loogu dhegeysiga badan yahay Soomaaliya.
Waxay la hadashaa dadka Soomaaliyeed ee ku sugan Bariga Afrika iyo daafaha dunida. Waxaana lagala socon karaa raadiyaha, barta internetka iyo Telefishinka. Waxa idaacadan dhegeysta todobaadkiiba dad ku dhow 3.6 milyan. BBC Somali waxay dhowaan billawdey barnaamij cusub oo Telefishin ah (halkan kala soco), waxa kale oo BB Somali laga heli karaa Twitter, Facebook iyo Instagram.
COMMENTS
|
||||
|