Hay’adda UNICEF Oo Ka Dayrinaysa Xaaladda Carruurta Soomaalida Ee Abaaruhu Saameeyeen
June 5, 2017 - Written by Berbera Today
New York(Berberatoday.com)-Hay’adda Carruurta u qaabilsan Qaramada Midoobay ayaa si deg-deg ah ugu baaqday in wax laga qabto abaaraha ka jira Soomaaliya, kuwaasi oo ay sheegtay inay si weyn u saamaysay Carruurta, islamarkaana ay kuwo badani u dhinteen haddana kuwo kale ay qarka u saaran yihiin in ay u dhintaan.
1.5 Million oo Carruur Soomaali ah ayaa wajahaya macaluul sida ay shaacisay hay’adda UNICEF.
Sidoo kale, waxa ay sheegtay in dadka Beeralayda iyo Xoolo-dhaqatada ah ay qarka u saaran yihiin in ay lumiyaan beerahooda iyo sidoo kale xoolahooda abaarta ka jirta Soomaaliya awgeed, Wallow Meelo badan oo Soomaaliya ah uu Raxmaadka Alle ka da’ay.