Muslimiinta Maraykanka Ee Magaalada New York Oo Afur Wadareed Isugu Yimid Kuna Hor Tukaday Dhismaha Dheer Ee Madaxwayne Trump Kum Leeyahay Magaaladaas
June 5, 2017 - Written by Berbera Today
News York(Berberatoday.com)-Muslimiinta ku nool dalka Maraykanka ayaa afur wadareed ku yeeshay dhismaha dheer ee uu ku leeyahay Madaxaweynaha dalka Maraykanku Mr Trump xaafada Manhattan ee Magaalada Newyork.
Arrintan ayey dadkaasi Muslimiinta ahi Madaxwaynaha Maraykanka uga dhigayeen farriin ah in ay ka soo hor jeedaan go’aamada uu Trump soo saaray ee ka dhanka Dadka Muslimiinta ah ee ku nool Dalkaasi, muslimiintan ayaa waxay ku afureen goobtaasi intaasi kadibna waxay ku tukadeen salaadii maqrib isla goobtaasi, waddada ay xidheen Dadka muslimiinta ahi ee ay ku tukadeen ayaa ah waddooyinka ugu saxmada badan Magaaladaasi, dhinaca kale dadka bannaan baxa noocan ah la yimid ayaan sidan wax boodhadh ah oo ay fikirkooda ku cabirayaan waxaanay ku eekaadeen oo kaliya afurka iyo tukashada salaada.