Soonka Iyo Sixada”Cunista Badan Ee Hilibka Xooluhu Waxa Ay Keeni Kartaa Wadne Xanuun, Kansark Iyo Macaan, Qeybtii 3aad
June 6, 2017 - Written by Berbera Today
Qaahira(Berberatoday.com)-Cadasku waxa uu ka mid yahay cuntooyinka aadamuhu isticmaalo kuwooda ugu taariikhda fog, taas oo sida ay muujinayaan hadhaa Cadas ah oo laga helay xabaalaha qaddiimka ah ee Masar la isticmaali jiray 2400 oo sano ka hor dhalashadii Nebi Ciise (CS).
Cadaska oo ah cunto loo diyaarin karo siyaabo kala duwan oo ka bilowda in uu noqdo sida fuud / maraq ku lammaan cuntada rasmiga ah illaa iyo in uu noqdo cunto rasmi ah oo iskii loo isticmaalo, ayaa si aad ah looga isticmaalaa dunida carabta gaar ahaan xilliga soonka.
Cadaska oo leh noocyo kala duwan oo isugu jira cagaar iyo midab casaan xiga mar uu gal leeyahay iyo mar aanu lahaynba waxa uu hodan ku yahay barootiin dhireed iyo gal nafaqo leh. Hal mar oo la cuno cadas karsan oo koob badhkii ahi waxa ay u dhigantaa 110 Kaloors iyo 6 illaa 6 giraam oo gan ah. Waxaa intaas dheer in cadasku aanu lahayn xaydh iyo Kalastarool, iyo in uu ku jiro asiidhka Foolik iyo Bootaasiyaam (Folic acid), maadaama oo uu gal leeyahayna intiisa yar ayaa qofka ka caawinaysa in uu dhergo. Cadasku waxa uu dhiirrigeliyaa dhaqdhaqaaqa dhuunta dheefshiidka, waxa aanu caawiyaa in aanu calool istaag dhicin.