Mujaahid Xuseen Aadan Cadde oo ka waramay Shaqsiyaddii Alle ha u naxariistee Marxuun Mujaahid Ooto Biixi
June 7, 2017 - Written by Berbera Today
Hargeysa(Berberatoday.com)-Siyaasiga Mujaahid Xuseen Aadan Cadde oo ka mida Saraakiisha sar-sarre ee Xisbiga mucaaridka ah ee WADDANI ayaa dhambaal Tacsi ah u diray Qoyskii, Ehelkii, Asxaabtii iyo guud ahaan Shacabka Somaliland geerida naxdinta leh ee ku timid Alle ha u naxariistee Mujaahid Maxamed Biixi Caalin (Ootto), habbeenkii Xalay aas qaran loogu sameeyay Magaalada Hargeisa ee xarunta Jamhuuriyadda Somaliland.

Md. Xuseen Aadan Cadde waxa uu ka sheekeeyay taariikhdii isugu horraysay isaga iyo Marxuunka, waxaannu ka waramay xilligii uu Alle ha u naxariistee Marxuun Mujaahid Maxamed Biixi Caalin(Ootto) uu ka mid noqday Saraakiishii xaqu dirirka ahaa ee SNM, waxaannu yidhi “Markii iigu horraysay Alle ha u naxariistee Marxuun Mujaahid Maxamed Biixi Caalin (Ootto), ahayd 1983-kii.