Nin Ka Mid Ahaa DAACISHTA Soomaaliya Oo Isku Dhiibay Ciidammada Maamulka Puntland
June 7, 2017 - Written by Berbera Today
Puntland(Berberatoday.com)-Maamul-gobolleedka Puntland, ayaa sheegay in uu isku soo dhiibay mid ka mid ah Dagaalyahannada Kooxda sheegata in ay xidhiidh la leedahay DAACISH ee ku sugan Buuraha Galgala.
Shaqsigan isa soo dhiibay ayaa magaciisa lagu sheegay Cabdillaahi Maxamed Siciid, oo ka soo jeeda Gobolka Baay ee Dalka Soomaaliya, sida ay sheegeen Saraakiisha Amaanka ee Puntland.