Taliye Hawl-gal Shaqo Lagu Dhaawacay Xaalad Adagna Ku Jira Oo Xukuumaddu Awoodi Weyday In Dhakhtar Dibadeed Loo Qaado.
June 7, 2017 - Written by Berbera Today
Burco(Berberatoday.com)-Taliye ku xigeenkii Booliska ee magaaladda Burco Captan Aadan Kayse Ismaaciil oo hawl-gal shaqo loogu dhaawacay magaaladda Burco ayaa dhakhtaraddu Kula taliyeen in loo diro dhakhtar dibadeed ilaa haatan dawladu wax Gar-gaar ah umay fidin, isagoo lagu dhaawacay hawl-gal shaqo oo uu dalkiisa iyo dadkiisa ugu shaqaynayay, Abaalkiisu wuxuu ahaa in si dhakhso ah loogu qaado dhakhtar dibadeed, xaalada Askariga ayaa cakiran, isagoo xabad lagaga dhuftay Caloosha kana dhex baxday macdanta caloosha.