“Xukuumad Ahaan Xogogaal Baanu U Nahay Shuban Biyoodka, Mana Mudna In Aynu Siyaasadayno Oo Wax Ka Dayno Dad Buka…”- Wasiirka Madaxtooyada
June 7, 2017 - Written by Berbera Today
Burco(Berberatoday.com)-Wasiirka Wasaaradda Madaxtooyada JSL, Mudane Maxamuud Xaashi Cabdi oo ka mid ah wefti ballaadhan oo magaalada burco u jooga gurmadka dadka shuban biyoodku ku dhacay ee ku sugan cusbitaalada oo saaka kormeer ku tegay goobo muhiima ayaa la hadlay saxaafadda waxaanu yidhi “ILAAHAY ayaa (SWT) Mahad leh, inoo fududeeyey noloshan nimcooyinka badana ina siiyey, waxaanu halkan u nimid weftigayagani gurmad ayaanu ahayn xaaladda gobolkan Togdheer ku soo korodhay iyo xanuunkan shuban biyoodka, ayaanu u nimid in aannu kala qayb qaadano gobolkan dareenkiisa, daaweyntiisa iyo gargaarkiisa intaba.