berberatoday.com
Ciyaaryahanada Xulka England Oo Tabobbar Millatari La Qaatay Ciidanka Kamaandoosta Ingiriiska
June 9, 2017 - Written by Berbera Today
London(Berberatoday.com)-Xarunta ciidanka Kamaandoosta wadanka Ingiriiska ayaa waxaa tabobar mudo gaaban ah lagu siiyey dhamaan xiddigaha xulka kubadda cagta qaranka England, si loo baro, adkaysiga iyo waayaha qalafsan ee mararka qaar soo wajahi kara.
Xulkan lagu naanayso ‘Libaaxyadda saddexda ah” oo diyaar garow ugu jira ciyaarta isreeb reebka koobka aduunka ee ay kaga hortagayaan xulka Scotland Sabtida, ayaa si la yaab leh maalintoodii fasaxa safar gaaban ugu kicitimay, xarunta tabobarka kamaandoosta wadankaas ee ku taala deegaanka Devon.
Safarkan oo uu qaban qaabiyey tabobaraha xulku, Gareth Southgate, ayaa labaatan kamid ah ciyaaryahanada xulkiisa nasashadii maalinta u dambeysa todobaadka ee Axada, ka saaray jawigii raaxaysiga ahaa ee ay galli lahaayeen, uguna bedelay 48 saacadood oo nolo milatarinimo ah, taas oo ay ku qaateen, xarun si gaar ah loogu carbiyo, ciidamada sida gaarka ah loo tabobaro ee Kamaandoosta.
“Waxaanu doonaynay inaanu ka kaxayno oo dhalinyarada galino deegaan ka geddisan tii ay awal ku jireen,iyo waxaanay marna filanaynin,” ayuu macalin Southgate ku yidhi, website ka khaaska u ah xidhiidhka kubadda cagta England ee magaciisa loo soo gaabiyo “FA”.
“Ciidamada sida gaarka ah u tabobaran ee Marines ka ayaa kala hadlay, bal in jawiga loo bedeli karo oo ay ku qanacsan yihiin iyo in kale. Taas ayaanay keentay in tabobar koobane gaar loogu diyaariyey ciyaaryahanada lagu dhex siiyo xarunta, kaas oo khuseeyey, sida ay xaaladaha addag ee koox ahaan nala soo dersi kara ay ula qabsan kari lahaayeen.”
“Waxaanu doonaynay inaanu indhohooda tusno ciyaartooyda, deegaan khaas ah, oo gaar u nolosha arkarinimada dunida. Waxaanan ka rabnay inay arkaan oo yaqiinsadaan, in duni kale oo nololo sidan oo kale ahi ka jiraana ay agtooda yihiin ama ku dhaw yihiin.”
Xulka qaranka Ingiriiska ayaa kulamadiisa isreeb reebka koob aduunka 2018 ee ugu soo horeeya la ciyaari doona xulalka Scotland iyo France.
Berberatoday.com
COMMENTS
|