Golaha Wasiirada Xukumada Siilanyo Oo Markii Uhoreysay Cod Gacan Taag Ah Ku Diiday In La Taageero Dawladaha Isbahaysiga Ee Sucuudigu Hogaaminayo Ee Godoonka Galiyay Dalka Qatar
June 9, 2017 - Written by Berbera Today
Hargeysa(Berberatoday.com)-Sida Ay Sheegayaan Xogo Rasmiya oo ay heshay shabakada wararka ee Berberatoday.com Shirkii Golaha Wasiirada Somaliland ee shalay Khamiistii ayaa Waxa ka dhacday dhacdo xiisheeda Lahayd taas oo la xidhiidha ama ku saabsanayd Cida ay dawlada Somaliland taageerayso isbaahaysiga uu Sucuudigu hogaaminayo Iyo dawlada Qatar ee Godoonka dawladahaasi carbeed ee Khaliijku galiyeen kana xidheen xuduudihii bada,dhulka iyo cirkaba,
Dooda Mooshinkan oo ay Soo dhigeen Masuuliyiin uu kamid yahay Wasiirka Madaxtooyada Maxamud Xaashi Cabdi iyo Wiilka uu Madaxweyne Siilanyo sodoga uyahay ee Baashe Morgan Ee Ah Wakiilka Somaliland Ee dalka isutaga Imiraatka Carabta oo kasoo hadlaayay Dubai ayaa waxa ay damacsanaayeen inay loo codeeyo in la taageero isbaahaysiga sucudigu hogaaminayo Waxse taas ka horyimi oo diiday inta badan Wasiirada Xukumada kuwaas oo uu hogaaminaayay Wasiirka Hawlaha Guud iyo Gureyaynta Cali Xasan Maxamed Cali Mareexaan oo dood adag oo uu Golaha soo dhex dhigay ku dooday inaanay Somaliland wax faa,iido ahi ugu jirin inay taageerto isbaahaysiga dawladaha uu hogaaminayo Dalka Sucuudi arabiya Waxaanu sheegay Wasiir cali Mareexaan in aanu abaal udhiganin sucuudigu Somaliland iyo dadkeda kana joojiyay dhoofkii xoolaha nool ee dhaqaalaha badan somaliland ka heli jirtay.
Waxa kaloo Wasiir Cali mareexaan ku dooday in aanay dawlada Sucuudi arabiya wax gacan ah ka gaysanin abaartii dad iyo duunyaba sahatay ee dhawaan dalka Somaliland ku habsatay iyo waliba gargaarkii dadka aaburuhu saameeyeen loo fidinaayay,
Waxa kaloo uu Wasiir Cali Mareexaan sheegay in xaladii shuban biyoodka ee Gobolada Buuhoodle iyo Togdheer ka dilaacayna aanay kaalmo ka gaysanin guud ahaan dawladaha carbeed ee isbaahaysiga samaystay taas bedelkeedana aanay haboonayn in layska taageero,
doodaas dheer ee Wasiir Cali mareexaan ayaa waxa isna ku raacay wasiirka diinta iyo Awqaafta Sheekh Khaliil Cabdillahi Axmed iyada oo gabagabadiina cid la qaaday oo Madaxweyne Siilanyo iyo Wasiirka Madaxtooyadu dabada ka riixayeen lagu diiday ajandahaas lagu taageerayo isbahaysiga dawladaha carbeed waxaana diiday in Dawladaha isbahaysiga Sucuudigu hogaaminayo in la taageero 19 wasiir oo uu hogaaminaayay Wasiir Cali Mareexaan halka ay 13 oo uu hogaaminaayay wasiir Maxamud Xaashina ogolaadeen in la taageero dawladaha isbahaysiga oo lagaga adkaaday codkii gacan taaga ahaa.
Markay sidaasi dhacday ayaa waxa uu amar ku bixiyay Wasiir Maxamud Xaashi in aanay Wariyayaasha Madaxtooyada ee warkaas muuqaal ahaan uduubaayay baahinin oo masaxaan maadama oo lagaga adkaaday barnaamijkii uu watay ee uu daba ka rixaayay wiilka Madaxweyne Siilanyo sodoga uyahay ee baashe Morgan oo ila shalay kasoo hadalaayay khadka tilifoonka sida ay sheegayaan xogaha aanu helnay isaga oo Baashe Morgan danaynaayay inuu waji kaga samaysto dawlada Isutaga Imiraatka carabta taageerada isbahaysiga Dawlada sucuudigu hogaaminaayo si uu mashaariic uu lunsado uga hello.
Sikasta ha ahaatee waa markii uhireysay ee Golaha wasiirada Xukumada Madaxweyne Siilanyo diidaan barnaamij taageero oo Xukumadu wadato waxaanay wasiirada badankooda diiday in la taageero Isbahaysiga dawlada carbeed iyaga dhiiri galin buuxda ka helaaya wasiirka Wasaarada Hawlaha Guud oo shirkii shalay ee Golaha wasiirada ku adkaystay una faytay in aan la taageerin dawlada isbahaysiga ee sucuudigu hogaaminayo isaga oo xusay in aanay Somaliland wax dan ahi ugu jirin.