Kooxda Al-shabaab Oo Sheegatay Inay 61 Askari Ka Dishay Puntland
June 9, 2017 - Written by Berbera Today
Puntlnd(Berberatoday.com)-Ciidammo ka tirsan Dagaalyahannada Kooxda Al-shabaab ee sugan Buuralayda Galgala, ayaa Dagaal culus oo ay Saaka ku qaadeen Saldhig Ciidammada Puntland ku leeyihiin Deegaanka Af-urur oo ku dhow Boosaaso, waxay ku qabsadeen deegaankaasi.
Dagaalkan oo socday Muddo Saacado ah, ayaa Al-shabaab sheegtay inay ku dishay 61 Askari oo ka mid ah Ciidammada Puntland ee halkaa ku sugnaa, isla-markaana la wareegeen Deegaanka uu Saldhiggu ku yaalay iyo 16 Gaadhi oo kuwa Dagaalka ah.
Afhayeenka Ciidamada Al-Shabaab Sheekh Cabdicasiis Abu Muscab ayaa idaacadda Al-shabaab ee Andalus u sheegay in dagaalka ay ku dileen 61 Askari isla-markaana ay ku qabsadeen 16 gaari oo 9 ka mid ah yihiin gaadiidka dagaalka ee Tikinikada loo yaqaan.