Wasiiro Ay Somaliya Sucuudiga U Dirtay Oo Weji Gabax Kala Soo Laabtay Riyaad
June 10, 2017 - Written by Berbera Today
Riyad(Berberatoday.com)-Xubno wasiiro ah oo ka koobnaa lix wasiir iyo xubno kale oo ah agaasimayaal iyo la taliyayaal ah oo ka socday dawladda Somaliya oo safar ku tagay dalka Sucuudiga, ayaa weji gabax kala kulmay dawladda Sucuudiga.
Wasiiradan oo uu qorshahoodu ahaa inay sii ambo qaadaan heshiis dhex maray Soomaaliya iyo Sucuudiga oo u badnaa caawimo Sucuudigu siinayay Somaliya, ayaa waxa hawlihii ay u soceen saameeyay go’aanka dhexdhexaadka ah ee ay dawladda Somaliya ka qaadatay khilaafka ka dhex qarxay wadamada Khaliijka ee lagu go’doomiyay dalka Qatar.