Suldaan Ismaaciil-Baxar Oo Hargeysa Ku Geeriyooday Iyo Madaxweynaha Oo Shacabka Ka Tacsiyadeeyay
June 11, 2017 - Written by Berbera Today
Hargeysa(Berberatoday.com)-Madaxweynaha Somaliland Md. Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo), ayaa Dhambaal Tacsi ah u diray Ehelkii, Qaraabadii iyo Shacabka Somaliland ee uu ka baxay Suldaan Ismaaciil Aadan Xirsi (Suldaan Baxar), oo ku geeriyooday Hargeysa.
Dhambaalka Tacsida ah ee Madaxweynuhu u diray Ehellada Suldaanka Geeriyooday, ayaa u qornayd sidan “Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Axmed Maxamed Silaanyo, isagoo ku hadlaya magaciisa, ka dawladda iyo ka shacbiga Somaliland waxa uu dhambaal tacsi ah u dirayaa Madaxda dhaqanka, waxgaradka, waayeelka, aqoonyahanka, qoyskii, eheladii, qaraabadii, asxaabtii iyo shacbiga somaliland ee uu ka baxay Alle ha u naxariistee Marxuum Suldaan Ismaaciil Aadan Xirsi (Suldaan Baxar) oo ku geeriyooday Hargeysa xalay oo taariikhdu ahayd 10/06/2017 (Habeen hore).