Dawlada Imiraatka Carabta Oo Dalkeeda Kasoo Saartay Arday Somali Iyo Qatar Isugu jira Oo Ka Qeyb Qaadanaayay Tartanka Quraan Akhriska Oo Dubai Lagu Qabtay Iyo Sababta Keentay+Daawo Muuqalka Arday Somaliya Oo Sharaxaya
June 12, 2017 - Written by Berbera Today
Dubai(Berberatoday.com)-dawlada Imaaraadka Carabta ayaa tartamayaashii Soomaaliya iyo Qadar ka saaray , tartankii Quraanka ee dalkaasi ka socday, tartamihii metalayay Qadar isaga looma ogolaanba inuu tartanka galo, halka Ismaaciil Bakistaani oo Soomaaliya metelayeyna loo diiday abaalmarintii, lana amray inuu dalka ka baxo.
Ismaaciil Bakistaani, oo ku sugan garoonka diyaaradaha ee uu kasoo dhoofayey, wuxuu bulshada Soomaaliyeed la wadaagay sida wax u dhaceen, wuxuu sheegay in mar walbo dareen jiray, laakiin markii wafdiga Qadar tegay Soomaaliya, ay sababtay in abaalmarintiina loo diido, wadankana laga saaro.
Soomaaliya ayaa dhex dhexaad ka noqotay khilaafka u dhexeeya Qadar iyo wadamada sacuudiga iyo imaaraadku hogaaminayaan.
Laakiin Sacuudiga iyo Imaaraadka ayaa go’aanka Soomaaliya u arka mid u daneenaya Qadar, waxaana isa soo tartaya , cadaadis dhinacooda kaga imanaya dowladda Federaalka, hadana aad moodo inuu u gudbay shacabka Soomaaliyeed.