Sir Qarinta Badani Waxa Ay Khatar Ku Tahay Caafimaadka Qofka Iyo Dad La Dhaqankiisa
June 12, 2017 - Written by Berbera Today
Washington(Berberatoday.com)- Cilmibaadhis cusub ayaa caddaysay in sirta oo la qariyaa ay dhibaato caafimaad keeni karto, maadaama oo qofka sirta qarinayaa uu qabo culays iyo ciqaab gudhiisa ka jira oo la xidhiidha in uu sheego iyo in uu qariyo, taasina waxa ay keentaa daal maskaxeed , hurdo xumo, calaamadaha gabowga (Coodh-cood).
Cilmibaadhis Geeska Afrika natiijadeeda turjumay ayaa uu wargeyska Daily Mail ka soo xigtay cilmibaadhayaasha in boqolkiiba 95 dadku ay hayaan siro tiradoodu ay celcelis ahaan tahay 13 sirood, kuwaas oo 5 ka mid ahi yihiin siro aanay suurtogal ahayn in uu qofku sheego.