Somaliland Oo La Safatay Xulafada Sucuudiga Iyo Diyaaradaha Qatar Oo Xalayba Dul Marayay Hawada Hargeysa –
June 12, 2017 - Written by Berbera Today
Hargeysa(Berberatoday.com)-Xukuumadda Jamhuuriyada Somaliland ayaa si rasmi ah ugu dhawaaqday inay khilaafka siyaasadeed ee soo kala dhex galay dalalka Khaliijka ay la safatay dalalka Sucuudiga iyo Imaaraadka, waxaanay uga digtay dalka Qatar in aanay hawada Jamhuuriyada Somaliland ku isticmaali karin ogolaansho laga siiyay dalka Somaliya.

Waxa ay xukuumaddu sidan ku dhawaaqday kadib markii golaha wasiiradu shalay isugu yimaadeen shir aan caadi ahayn kaas oo lagaga arinsanaayay khilaafka xadhkaha goostay ee ka dhex qarxay dalalka Khaliijka, waxaana go’aankan oo uu si rasmi ah warbaahinta uga hor akhriyay wasiirka arimaha dibada Jamhuuriyada Somaliland Sacad Cali Shire uu u dhignaa sidan “Jamhuuriyada Somaliland iyada oo aaminsan mabaadiida wada noolaanshaha iyo xasiloonida gobalka kana soo horjeeda wax kasta oo wax u dhimi kara nabada iyo degenaashaha, isla markaasna ka soo horjeeda xagjirnimada iyo cid kasta oo taageerta xagjirnimo, Jamhuuriyada Somaliland iyada oo isla markaas tixgalinaysa cilaaqaadka taariikhiga ah ee dhaqan,dhaqaale iyo siyaasi ee ka dhaxeeya Jamhuuriyada Somaliland iyo wadamada khaliijka, waxay golaha wasiiradu maanta oo ay taariikhdu tahay 10-06-2017 isugu yimaadeen shir aan caadi ahayn kaas oo uu guddoominaayay madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland shirka golaha wasiiradu waxa uu ku saabsanaa khilaafka siyaasi ee ka dhaxeeya dalalka Khaliijka iyo mawqifka ay Somaliland ka qaadanayso sidaas darteed waxa ka soo baxay golaha wasiirada qodobadan:-