Hay’adaha Caalamiga Ah Oo Madaxtooyada Ka Dalbanaya In Hay’ada Waddooyinka Laga Hoos Saaro Wasaarada Hawlaha Guud
June 14, 2017 - Written by Berbera Today
Hargeysa(Berberatoday.com)-Hay’adaha caalamiga ah ee Somaliland kala shaqeeya dib u dhiska waddooyinka dalka, ayaa dib u dhiska waddooyinka dalka shuruud uga dhigay in hay’adda waddooyinka ee SRA (Somaliland Road Authority) la madaxbanaaneeyo oo laga hoos saaro wasaaradda hawlaha guud, noqotana hay’ad madaxbanaan sidii ay ahaan jirtay dawladihii hore.
Warar xogogaala oo uu wargeyska Geeska Afrika helay ayaa sheegaya in hay’adaha caalamiga ahi go’aansadeen inay madaxtooyada Somaliland u gudbiyaan dalabkooda ah in hay’adda waddooyinka loo sameeyo xeer gaar ah iyo guddi madaxbanaan oo laga hoos saaro wasaaradda hawlaha guud iyo guriyaynta. Hay’adahan ayaa aaminsan in mar haddii ay lacag badan gelinayaan dhismaha iyo dib u dhiska waddooyinka dalka ay muhiim tahay in la helo komishan gaar ah oo ay hay’aduhu si gaar ah ugala xisaabtamaan.