Mucjisada Ku Duugan Qisada Nin Aan Gacmo Iyo Lugo Toona Lahayn Haddana Karti Iyo Dadaal Ku Gaadhay Meel Sare Dunidana Magac Ku Yeeshay!
June 14, 2017 - Written by Berbera Today
Hargeysa(Berberatoday.com)-Waa dhiiri-galin ah kuna tusinaysa awoodda alle ku abuuray bini’aadanka, waxay ku saabsan tahay ninkii gacmaha iyo lugo la’aanta ku dhashay, hadana waxbarashada heer ka gaadhay, Magaciisu waa Nick, wuxuu jiraa 33 sano jir, asalkiisu waa wadanka Serbia, laakiin dhalasho Australia ayuu haystaa, wuxuu ku dhashay xanuunka loo yaqaano “Phocomelia” oo ah in qofku ku dhasho gacmo iyo lugo la’aan.

Markii waalidiintii loo sheegay xaaladda uu wiilkoodu ku dhashay, way diideen in ay arkaan ama ay qaataan oo ay korsadaan, maadaama ay aad uga walwaleen siday u korin lahaayeen ilmo cuuryaan ah oo lugo iyo gacmo aan lahayn, laakiin usbuucyo ka dib way kaxaysteen.
Inkastoo qoyskiisa iyo qaraabadiisu ay aaminsanaayeen inuu weligiis qof ku tiirsanaan doono, laakiin alle ayaa siiyay awood isku filnaansho intuu yaraa, wuxuu bartay sida loo istaago isagoo wajigiisa cuskan jiray, wuxuu hadana bilaabay inuu qeybtiisa hoose ku gurguuran karo sidii qof socon kara oo kale, haddana wuxuu bilaabay inuu meeshii luguhu ka maqnaayeen inuu gacmo ahaan u isticmaalo, intaas markay qoyskiisu arkeen iyo maskaxda uu alle siiyay, ayaa waxay go’aansadeen inay iskuul geeyaan.