Wasiirka Diinta Iyo Awqaafta Somaliland Sheekh Khaliil Oo Guri Fiilo Ah Ka Dhex Dhistay Xayndaabka Wasaaradiisa
June 14, 2017 - Written by Berbera Today
Guriga Wasiirka Diinta Iyo Awqaafta Somaliland Ka Dhex Dhistay Xayndaabka Wasaarada Ma Wuxuu Noqonayaa Guri Qaran Mise Wuxuu Noqonayaa Guri Qof Gaar U Leeyahay?
Hargaysa(Berberatoday.com)-Wasiirka diinta iyo awqaafta somaaliland sheekh khaliil ayaa waxaa uu guri fiilo ah ka dhex dhistay wasaaradii diinta iyo awqaafta oo ku taala xaafada shacabka ee magaalada hargaysa gurigaa oo loogu tala galay in wasaaradu gasho iyadaddoo ay wasaaradu markii hore si kumeel gaadh ah ugula jirtay wasaaradaha warshadaha iyo dib u dajinta waaxaana wasaarada loo qoon deeyay in meel gaar ah loo iibiyo waxaana loo dhisay guri fooqa oo ku fadhiya dhul dhan looguna tala galay in laga dhiso wasaarada iyo masaajid,Hadaba waxaa gurigaa looga iibiyay xaafada shacabka ee magaalada hargaysa waxaana inta la bilaabin dhismaha wasaarada iyo masaajidka uu wasiirka diinta iyo awqaafta Somaliland uu ka dhistay guri fiilo ah isagoo wasiirku dhismihii wasaarada iyo masaajidka ka hor mariyay gurigaas fiilada ah oo uu xiligan degan yahay.